Barnaamijkii Miskiin-kalkaal iyo Kulankii Malaysia!

0
Saturday July 16, 2022 - 08:20:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamijkii Miskiin-kalkaal iyo Kulankii Malaysia!

    W/Q: Ahmed I Abdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed I Abdi

Wakhti aan ku qiyaasayo horraantii 2000 ayuu Sheekh Aadan Siiro Ahun ka bilaabay Khudbadda Jimcaha Masaajidka Xawaadle ee uu illaa hadda Khudbadda Jimacaha ka jeedin jirey. Waxay ahayd Khudbad dadku aad u xiiseeyaan oo Xaafado badan looga iman jirey ! Masaajidka oo aanu jaar ahayn awgeed, xilli hore ba Safka hore ayaanu sii dhigan jirnay Sijaayadaha !



Barnaamijkii ugu horeeyay ee uu Sheekhu Masaajidka ka bilaabay wuxuu ahaa kii la magac baxay Miskiin-kalkaal oo danyarta Xaafadda daggan lagu caawin jirey. Lacag Masaajidka laga ururiyo Maalinta Jimcaha ah ayaa noocyada kala duwan ee Raashinka la quuto lagu soo iibin jirey. Odayaal iyo Imaamadii Masaajidka ayaa soo tiro koobi jirey dadka haynta yar ee Xaafadda. Raashin ugu yaraan Bil ku filnaan kara hal reer ayaa la siin jirey.


Ka Ciyaalo Xaafad ahaan waxaanu qaabilsanayn qaybinta. Waxaanu Kaariyoone ku riixi jirnay Raashinka si aanu ugu gayno Xaafadda loogu talo galay. Xaafadda aanu u sidno Alaabtaasi looma sii sheegi jirin. Barnaamijkii Miskiin-kalkaal ee lagu bilaabay Xaafadihii Masaajidka u dhawaa wuxuu ku faafay Xaafado badan oo fog.


Sheekha waxaan mar kale ku kulannay Malaysia 2013 mar xaalad Caafimaad loo keenay, wakhti aanu anagu na arday ahaan u joognay. ! Waxaan ku booqannay Cisbitaalka Prince Court ee Magaalada Kuala Lumpur. Wakhti laga yareeyay booqashada maadaama Dhiigiisu aad u kacsanaa ayaan u galay aniga oo aan ka warqabin. Bariidin kadib , sheeko dheer iyo Hargeysa ayaanu iska qabsannay. Gabadh Nurse oo meel Muraayad ah naga aragtey ayaa deg deg noogu soo gashay. Waxay ii sheegtay in aan Sheekha loo ogolayn hadal iyo booqasho inta dhiiggiisu kacsan yahay ! Sheekha oo aan isagu wax weyn ba u arkayn ayaa yidhi "Adeer Intan ay gabadhu sheegaysaa waxba maaha" . Waanu ka soo baxnay !


Mar kale oo Xaalada Sheekhu ka soo raysay oo guri dibadda ah loo soo saaray ayaanu booqannay. Habeenkaa wakhti dheer baanu isku helnay. Sheekada ugu weyn ee aan xiisanayay inaan ogaadaa waxay ahayd bal inta kal nool odoyaashii Masaajidka ee Safka hore camiran jirey, maadaama aan 10 sano ka soo maqnaa ! Saddexdii ugu horeeyay markuu ii sheegay in 2 geeriyoodeen, waan soo gaabiyay hadalkii ! Sheekha oo hadalka qaatey ayaa naga waraystey ardaynimada iyo markaanu dhammaynayo in aanu dalkii ku laabanayno iyo in kale ! Xaalada Caafimaad Sheekha waxa kala weynaa Xaaladda dalka iyo sidii dadka wax loogu qaban lahaa. Khayraadka dalka iyo hagaajinta dawladnimada ayuu aad uga hadlay Habeenkaa Sheekhu !


Sheekha oo caan ku ahaa Gacan furnaanta, Caawinta danyarta, Dacwadda, iyo toosinta Dawladnimada Somaliland; waxa hubaal ah inay mar kaliya bannaanaadeen kaalmo kala duwan oo uu Dadka iyo Dalka ba ugu jirey.


Naxariistii Janno Alle haka waraabiyo Sheekh Aadan Siiro !

Ahmed I Abdi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...