Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Kabaxay Sh. Aadan Siirro

0
Friday July 15, 2022 - 21:29:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Kabaxay Sh. Aadan Siirro

    "Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa Sheekh caalim ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa Sheekh caalim ah"

Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) isagoo ka wakiilka ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo Laamaha kala duwan ee xisbiga waxa uu ka tacsiyadaynayaa qoyska iyo shacabka reer Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timi Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ku geeriyooday dalka Hindiya caawa.



Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa Sheekh caalim ah oo diinta Islaamka uga faa’iideeyey dadkiisa, nin deeqsi ah, samafale la dareen ah dadka nugul, muwaadin jecelaa qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo inuu mar walba hormood u ahaa danta guud.


Ugu dambayn waxa uu Alle uga baryayaa Marxmuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin…Aamiin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...