Gud. Xirsi Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Kabaxay Sh. Aadan Maxamuud Xirsi (Aadan Siirro)

0
Friday July 15, 2022 - 21:23:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gud. Xirsi Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Kabaxay Sh. Aadan Maxamuud Xirsi (Aadan Siirro)

    TACSI GUDDOOMIYE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, culimada, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Maxamuud Xirsi (Aadan Siirro) oo ka mid ahaa haldoorka culimada Soomaalida oo caawa geeriyooday.



" Shiikha waxa lagu xusuusta inuu qayb ka ahaa dib u dhiskii dalka, sidoo kalena waxa uu ahaa samafale inta jilicsan kaalmeeya kana war haya, si gaar ahna waxa uu xoogga saari jiray ilaalinta iyo ka hadalka caddaaladda, farista samaha iyo reebista xumaha. Waxaan Shiikha Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, dembigiisa dhaafo, kana abaaliyo khayrkii iyo samafalkii uu inta badan ku hawllanaa. Si gaar ah, waxa aan ugu tacsiyayanaa qoyska iyo qaraabada Shiikha.”

Ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan


إنا للهوإناإليهراجعون

    Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...