Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro). 1962--2022.

0
Friday July 15, 2022 - 20:50:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro). 1962--2022.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay.

wuxuu ku dhashay magaalada Hargaysa sannadkii 1962. wuxuu Qur'aanka ka galay isla Hargaysa. wuxuu dugsigii hoose ka galay dugsigii Malko-dururo. dugsigii sare wuxuu ka galay dusiga gacan-libaax.



markii uu dhammeeyey dugsigii sare ayaa Muqdisho loogu diray shaqo qaran oo uu ku soo qaatay Xalane. shaqadii qaranka wuxuu noqday macallin. wixii intaasi ka dambeeyey wuxuu aqoonta diinta ka baran jiray masaajidada, waxaanu dhinaca kale noqday ganacsade iskii u shaqaysta. sannadkii 1974 wuxuu ka mid noqday urur-diimeedkii Waxdada.


markii dalka lagu soo noqday wuxuu aasaasay mashaariic waaweyn oo bulshada waxtar u leh sida, Xabaalaha Baqiic 1 iyo Baqiic 2. sidoo kale wuxuu fikirkiisa lahaa mashruuca masaakiinta lagu quudiyo ee Miskiin-kalaal. wuxuu ifka kaga tegay 9 caruur ah oo kala: saddex wiil iyo lix gabdhood. tixraac: Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...