Maxa laga Filaya in ay ka so baxan Wada Hadalada Mucaaradka iyo Xukuumada?

0
Thursday July 14, 2022 - 11:44:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxa laga Filaya in ay ka so baxan Wada Hadalada Mucaaradka iyo Xukuumada?

    W/Q: Cali Xasan Cawaale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Xasan Cawaale.

Aragti ahaan. Waxan tiraba laba jeer ka hadlaya Arrimaha la isku hayo ee u dhaxeeya Mucaaridka ama Asxaabta kumeel gaadhka ah ee mucaaridka iyo muxaafidka ah.

Hadaan erayo kooban ka soo qaato. hadalada hore ee an kaga hadlay arrimahan.



Waxaan xusay. In sharciyadu aanay dhedhexaadin galin. Isla markaana odayaashii is Xilqaamay aanay hawlaha sharci Dhexdhexaadin ka galayn balse doorkooda dhexdhexaasineed noqonayo isu soo dhaweynta dhinacyada iyo hawlaha hada taagan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen. Mudaharaadadii ay ku dhawaaqeen mucaaridku , iyo ragii laga xidhxidhay xaga mucaaridka. Iyo waliba sidii la isu soo horfadhiisin lahaa labadq dhinac.


Waxa Allag mahadii ah in odayaashii dhexdhexaadintu ay si karaamo iyo sharafba leh ugu guulaysteen dhamaanba arrimihii doorkoodu ahaa. Ayagoo hakiyay mudaharaadadii mucaaridka , sidoo kale xukuumadana ka sii daayay dhamaanba dadkii u xidhna ee dhanka mucaaridka.


Inta kadib odayashii Allah khayr ha siiye ayagoo ogsoon doorkooda iyo halka u ku egyahay,  waxay gogol iskugu keenay labadii dhinac si ay u wada hadlaan uguna wada hadlaan arrimaha sharciyada. Waanay u kala baxeen labadii dhinac madama doorkooda ay arrintan ku leeyihiin uu ku eegyaha halkaas.


Waxan qiraya sidan horaba u sheegay in ay odayashaani si hufan ugu ekaadeen una qaateen dorkoodii. Halkii la doonayayna so gaadhaiiyen wanan ku mahadinaya shaqada ay qabteen ai hufana uga so baxeen.


Inta Kadib waxa bilaabmay kulamadii labada dhinac ku wada hadlayeen waxana qabsoomay tiraba laba kulan kuwo kalena wa loo balansanyahay.


Hadaba aan  uso noqdo mawduceenan caawa ee ah maxay kusoo dhamaan doonan wada hadaladan u socda labada dhinac.


Ugu horeyn inta aanan ka hadal  aeagtida aan ka qabo natiijada ay kusoo dhamaan doonan wada hadaladani. Hadii Rabi idmo. Waxan doonaya in aan halkan ku iftiimiyo laba qodob oo saldhig u noqon doona ama aad ka sii dhex arki karto  natiijada kulamadan ku so dhamaan doonan. Insha Allah kuwas oo kala ah sidan.


1) Qodobka kowaad wa hubaal ah oo an cidna ka qarsoonayn. In madaxweyne bixi iyo Xukuumadiisu midna ayna awood sharci u lahayn in Ururada ay furaan iyo in ay xidhaan ama hor istaagin furista ururada.


Balse Ay Ururada siyaasadu ay ku furmayaan Xeerka sharci ee xeer 14. 2011. Marka la gaadho wakhtiga u xeerku jideeyay oo ah wakhtigan hada taagan.


Markaa yaan madaxweynaha iyo xukuymadisa yan loo qadan in ay awood u leeyihiin joojinta iyo furista ururada.

2) Qodobka labaad. Waxa iyana hubaal ah oo ah xaqiiqo jirta cidkastana ogtahay.


In Xeer14. Shaqaynayo dhamaan hawlihii ku xusnaa ee ururaduna ay si sharciya u shaqaynaya. Waxana ku daliil ah.


A) In ururadii mudaba furnaayeen oo ay ku jiraan ololahoodii iyo hawlahoodii ururnimo.  Isla markaana fuliyeen fulinayaana arrimihii sharci ee looga baahna sida diwaangalintii ururnimo bixintii cashuurta ku waajibtay, furashadii Xafiisyada. Iwm


B) Waxa kale oo iyana sharci ah oo shaqaynaya lana ansixiyey gudidii kala reebista ururada , kuwaas oo waaxda fulinto so magacawday ayadoo fulinaysa Xeer14. Isla markaana ay ansixiyeen Waaxda sharci dajintu. Ayagoo fulinaya waajibaadka sharci ee kaga aadan xeer 14.


Hadaba adigoo eegaya dhamaanba qodobada aan soo xusay miyaanay ku muuqan natiijada ay ku soo gabogaboobi doonan wada hadaladaasi.


Maya wa i muqata waana arrin waadax ah.

Nin jecel iyo nin neceba natiijada Wadahadaladaasi waxay ku soo dhamaan doonta in la galo tartankii ururada, isla markaana mucaarid iyo muxaafidba loo hogaansamo Xeerk 14 oo ah xeerka shaqaynaya hadan fulintiisu socoto, Hadii Rabi idmo


Ninka wax kale ku fakaraya ama rajo ka qaba in xeerkan 14 la joojiyo  dibna looga laabto oo mel dhexe la isugu yimaado.


Ninkaasi wa anbaday ee hala tilmaamo.

Allah ha inagu simo Natiijadaas. Cid kasta oo igaga so horjeeda aragtidan waxan leeyahay wa inoo maalintaas Allah swt ha inagu simo.


Cali Xasan Cawaale.

Hargeisa Somaliland.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...