"Waa Duni Ka Dhiib Iyo U Dhiib La Isku Dhaarsadaye"

0
Wednesday July 13, 2022 - 12:33:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Duni Ka Dhiib Iyo U Dhiib La Isku Dhaarsadaye"

    Ugaas Ahmed Mohamed Siciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugaas Ahmed Mohamed Siciid

Maxamadow adaa dhuuxayoon

Eray ku dhaafayne

Lexejeclo adaa dhaadayooy

Kuu dhadhamaysaaye

Adigaa wixii dhacay ogaa

Dhag iyo muuqaale



Sanad iyo anoo dhawr Bilood

Dhoosha ka qoslaayay

Dhuudhaaf wixii aan ku jiray

Qaaday dhoobada e

Waxba dhuuman maynee

Haddaan dhayda ka caddayne


Waxay dhiiqdo Maandeeq

Hadaan dhiil ku shubayaaye

Dhibtay sheegataan hadeer

Dhab uga sheekayne

Wixii dhacay wixii dhici karaan

Kuu dhig dhigayaaye


Maaneeq wallaal way dhashoo

Waa la dhurayaaye

Dhalaan iyo duqii maali jiray

Dhure ma siiyaane

Dheglay kalama hadho caanihii

Dhoobogii wadaye

Iyadana dharkayn baa ku maran

Dhaqasho ceebteede


Anna dhuugga cunayaan intaa

Dhiib is leeyahaye

Dhakhtar iyo waxaan raadiya

Dhib iyo waabaye

Dhugatiyo waxaan uga baqaa

Kud iyo dheeraade


Waxaan dhimo waxaan dhimay

Dhab iyo xeesheede

Adna dhoofka kula jiitay baan

Dhagida diidaaye

Dhuuxiyo laftaan kaa jeclaa

Inaad dhawaataaye

Hayeeshee waxaan dhawrayaa

Waa Dhulka oo qaboobiyo

Dhibic mahiigaane.


Intaa an dhaafe markaan

Hoos u dhigo hawsha

Dhamac iyo dabbaa shidan wallaal

Oo na dhaawacaye

Adna dhugo Maxamadow

Dunidii dheeligii badaye


Waa duni ninkii dhiig lahaa

Dhimay dadaalkiiye

Waa duni nimaan dhaqi aqoon

Xoolo dhaansadaye

Waa duni ninkii dhami lahaa

Dhigay hadhuubkiiye


Waa duni ka dhiib iyo u dhiib

Laysku dhaarsadaye

Waa duni dhac iyo tuugadii

Dhaaftay xadhigiiye

Waa duni xishookii dhinto

Been la dhurayaaye


Waa duni dhaydiyo dhanaan

Dhalay ka maaleene

Waa duni dhawaaqi dadnimo

Dhawrsanaan galaye

Waa duni dhabtii dawladnimo

Layska dhigay meele


Waa duni dhaqankiyo hiddaha

Ceeb la dhaansadaye

Waa duni dhafoor taabashada

Nacas ku dhaataaye

Waa duni dhalaan iyo carruur

Dhereg ka quusteene


Waa duni ninkii dhaarta maray

Dheesha tumayaaye

Waa duni dhufays iyo colaad

Laysla dhigayaaye

Waa duni sakhraan dhawrayoo

Tallo u dhiibteene


Waa duni dhamaan ciidankii

Gaajo dhacayaaye

Waa duni distoorkay dhigteen

Dhinac ku tuureene

Waa duni Ninkii dhaanka raray

Dhumiyay Awrkiiye

Waa duni Ninkii dhiiranaa

Dhiibay keenada e

Waa duni korankiyo dhufaankii

Dhibida saydheene

Waa duni dadkii dhaygagoo

Dhabanka haystaane


Waa duni ninkoodii dhibane

Gacanta dhiibtaaye

Waa duni dhawaaqi xornimo

Dhego furaysteene

Waa duni I dhaafaay Nin yidhi

Daba dhaqaaqeene

Waa duni ninaan dhururi hayn

Daaro dhisayasye


Waa duni dhaliishii timaad

Xeerba loo dhigine

Waa duni ninkii dooda fura

Jeelka loo diro e

Waa duni duqay iyo wax garad

Deedifayn tahaye


Waa duni dulqaadkii dhintoo

Lays dardarayaaye

Waa duni daruurah cirkii

Caad ku dadanyiine

Waa duni dantii aad lahayd

Doolar jilayaaye


Dheeraatay sheekaduye

Waxaan ku soo dhaabay

Maantyo dharaartaad ogayd

Wax isma dhaamaane

Dhuuradiyo dhurwagii ku helay

Dhibe agoontiiye

Dhamastiyo hadday geedihii

Debed u dhoofsheene


Dhulkii Hooyo weeyaan

Halkaan dhawra leeyahay

Mana aha wax dhiil iyo

Ku yimid gacan u dhiibkiiye

Dhibyaraan hadaad moodaysaan

Waa la dhuun baxaye


Dhul gariir haddii aad taqaan

Kala dhig weeyaane

Mana gayo dhalool yahay

Dhaadashada qaare

Dhugo xorayntii Rag baa

dhiig u soo shudaye

 Ninka aan intaa dhaadinow

Dhoohanaad tahaye


Dhaameel iyo nin qaatana

Rag baa Buug kusii dhigaye

Nin xaaraanta dheefsaday

Marbuu dhiig ka tufayaaye

Nabsiguna ma dheeroo

Mar buu dhiilku qubayaaye

Dhabadii u raacaan aqaan

Qaar horoo dhacaye

Hala dhawro dharaaraa hadho

Dhiman shinkoodiiye ??????


Dhanka kale Illaah baan baryee

Dhaha bal aamiinta

Allahayoow dhamaadoo xoolihii

Dhaafe Ehelkiiye

Allahayoow dhul may beerano

Dheef ma helayaane

Allahayoow dhaqaalana ma jiro

Cidi ku dhaantaaye


Dhaaxay nimcada dhaansadeen

Dhayna qubayeene

Hayeeshee dhalaal meel ma dhigan

Dhaxalku waa hayne

Dawladuna ma dhaanto iyaba

Dhib iyo hawsheede

Naga dhici Abaaraha Rabboow

Dhabar jab weeyaane.


Aamiin…Aamiin…Aamiin.

Layma sheegin hay odhan!!!!!

Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...