BOOSAASO: Nabaddu Waa Macaan Tahay

0
Wednesday July 13, 2022 - 09:25:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BOOSAASO: Nabaddu Waa Macaan Tahay

    Waxaa Qoray: Abdiwali Gooni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Qoray: Abdiwali Gooni

Marka hore waxaan ka tacsiyadeynayaa dhammaan dadkii ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Boosaaso, kuwa dhaawaca ahna  EEBBE ha caafiyo.

 

Ciidamada ku dagaalamay Boosaaso waa walalo, ehel, gacal iyo sokeeye, khilaafkooda naxdin ayuu ku yahay Ummadda reer Puntland, marna kalama tagayaan, waxay yihiin oo ahaan doontaan difaacayaasha sharafta dalkeena iyo dadkeena.

 

Qof kasta oo damiir fayow lihi wuu ka damqanayaa wixii dhacay, qof walba oo hurinteeda iyo iska horkeenkeeda ka shaqeysana marna lama hilmaami doono.

 

Puntland waxaa ka socda horumar iyo koboc dhinac walba taabanaya, dagaalka iyo dhiba ayaa lid ku ah marwalba xasiloonida ka dhalata Nabadda.

 

Dhammaanteen Waxaa na saaran masuuliyadda ka talinta xasiloonida dalka iyo ka hortaga wixii dhibaato ku ah, si aynu xooga u saarno Danta-guud taas oo ah dhaxal waara oo aanu uga tagteyno ubadkeena iyo kuway sii dhali doonaan Haddii Alle idmo.

 

Waxaan ku baaqayaa in si nabad-gelyo ah lagu xaliyo dhammaan wixii ka dhacay Boosaaso, Dawladda Puntland waxaa saaran masuuliyad gaar ah, waana inay guddi u saarta wixii shalay dhacay.

 

Dunida waxaa ugu wanaagsan qofka Nabadda xambaarsan, waxaana ugu aaya-xun qofka colaadda huriya.

 

Nabaddu waa macaan tahay!!!!

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...