Guddoomiye Saleebaan Goolka Wuu Dhalin Yiqiin.

0
Wednesday July 13, 2022 - 09:23:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Saleebaan Goolka Wuu Dhalin Yiqiin.

    W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle

Khudbad sannadeedkii madaxweyne Biixi u jeediyey labada gole ee Baarlamaanka 09kii may ee sannadkan, Guddoomiyaha labada gole mudane Saleebaan isaga oo u cudur daaraya in aan Madaxweynaha waxba la weydiin karin, wuxuu dhammaadkii khudbada baarlamanka u sheegay in ay inta madaxweynuhu baxayo xildhibaanadu fadhiyaan. " Madaxweynuhu hayna dhaafo " ayuu si kaftan ah u yidhi.

 

mar kale 21kii June ee isla sannadkan mar guddigii dhexdhexaadintu isugu keenay dhinacyadii is hayey qasriga madaxtooyada, wuxuu Guddoomiye Saleebaan ugu yeedhay madaxweynaha iyo madaxda labada xisbi mucaarad,  Guddoomiyayaal. " madaxweynahana waxaan ugu yeedhayaa Guddoomiye, ee guddoomiyayaal. "

 

Haddaba waxaanu Guddoomiyaha guurtida leenahay ha beenaan. Guddoomiye waa halkaas oo aad dhexdhexaadnimada ugala sii dhowaatid.

 

Mudane guddoomiye ma tihid hoggaamiyihii guurtida ee ugu dhaqan yaqaansanaa, waxaadse tahay tacliin, ilbaxnimo, siyaasad iyo dhinaca maamulka kii ugu khibrad badnaa. Waxaa haddaba lagaaga marti yahay guddoon nabad gelyo.

 

Mudane, waxaad tahay Odaygii guud ee Soomaalilaan, waad garanaysaa doorashada Madaxtooyada oo wakhtigeeda dhaaftaa waxay dadka iyo dalka geyeysiin karto.

 

Waxay dalaw dheer ka tuuraysaa baadi doonkii aqoonsi caalami ah, waxay sii kordhinaysaa fakhriga dadkeena asadihiyey, marka maal gashigii, dadkii dalka imanayey iyo qaadhaankii beesha caalamku joogsado, marka ganacsatadu isu dowladayso, qaarkoodna lacagta dalka kala baxaan.

 

Waxaynu in ka badan intii Siyaad Barre dib inoo dhigay in ka sii badan ku wareegeyney Siiroo shil yaraan, waxaynu u muuqanaa dad hadal badan oo hal abuur yar.

 

Muddo kordhin ayaa caado inoo noqotay, ciidamadeenu sidii shuuciga ayay ilaa maanta u gaardiyaan, garsoorkeenu wuu madax qaawan yahay, mooyi waxay ku diideen duub iyo koofiyad Islaamnimo ka muuqato, wasaaraddihii Beeraha iyo deegaanka ee gobolada  abaar baa ka muuqata, gaadiidka waddanka dhinac khalad ah baa laga wadaa, masaajidkii Illaahay xilliga qoraxdu ugu kulushahay qof safar ah looma oggola in uu saacad hadhsado, milyan intaynu masaajid ku dhisno, daqiiqado lagu cibaadaysto ayaynu hablo iyo wiilal dibjirey leenahay. mikrifoonadii masaajidduna iyagaa salaada isi sahwisiiya, haldoorkii waddanka markii wax loo diran waayey ururo ayay ku mashquuleen, halaaggii siyaasaddii ( khiyaanadii, mu'aamaraddii ) Cigaal iyo C/raxmaan ayaa markale tijaabo ku jirta, waddaniyiinta reer shiikh Ismaaciil dhaqankoodii siyaasiga ahaa iyo Aabbe hebel ku dayashadoodu waxay soo waddaa! toloow maxay soo waddaa?

 

Ha afduubin xaajada, isirkeeda doondoon, ka umuli tusaalaha, bal abuurta dunidiyo, shalay iyo awaasheed, aashaa dib ugu noqo, bal oddoros hilaadaha, bal malee wax iman kara, berritiyo ayaamaha ifafaalo daymood, bal iskaa ka sheekee, wixii aadmi soo maray, taariikhda uur baadh... warka waan agmarayoo, irbad baan ku qalayee, uus miirka dulucdiyo, amba qaadka geeddiga, waxaan guurti ku egmaday, hadalkana ku urursaday, albaab waliba kuu furan. Araweelo & macalin Hadraawi.

 

Bashiir Tarabbi Oogle,

Burco, Soomaalilaan.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...