Ururro La Furayaa Ma Jiraane Waa Kalkii Ina Kaahine Iyo Muuse Oo Kal Labaad Soo Noqda Boowe Rumayso Ama Ha Rumaysan

0
Wednesday July 13, 2022 - 09:17:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ururro La Furayaa Ma Jiraane Waa Kalkii Ina Kaahine Iyo Muuse Oo Kal Labaad Soo Noqda Boowe Rumayso Ama Ha Rumaysan

    W/Q: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdi Muxumed

Somaliland oo si kale u shaqaysa ayaa nin Waa yidhi "Somaliland waxaa laga soo bilaabaa janan waxaana lagu danbeeyaa alifle" allow hadalkaasi run ma yahay! Alla maxaanu aragnay nin aan waliggii xerro ciidan Boolis soo galin oo labisan kornayl boolis ah, Somaliland ayay ka dhacday rumayso ama ha rumaysan waxaa ay Landu u shaqaysaa sida cakis ah waana mid iska soo horjeedda waxa ay samaynasaa ee ha la yaabin haddii aad aragto Madaxii oo Mijo loo rogay.

 

 

Muuse Biixi Cabdi (kalakaan) oo ah mid ay iska soo horjeedda ficil kasta oo uu sameeyaana yahay mid kii ka horreeyay beeninaya ayaa mudo dalka iyo dadka ku maaweelinayay inuu qabanayo doorashooyinka saddexdda ah, ee kala ahaa tii Guuritadda,Madaxtooyadda iyo Uraradda siyaasadda ee cusub oo ay tahay in 10 sannaba mar la bilaabo inay tartamaan haddaba inta aan loo gudbin wax kale waa in la is waydiiyaa muxuu ka yidhi arrinka Dastuurka Somaliland, saddecddii Xisbi ee markaa jira ee aan wali wakhtigooddii dhicin ma waxay ku biirayaan kuwa la unkayo ee 10 sanno soo Guuxayay ee Kaabiigaa yimi mise kuwaas hore u jiray ee saddexdda ahaa ayaa tartanka Madaxtooyadda galaya kuwa kalena marka la dhameeyo Unkidoodda ayuu  tartankoodda xalaal noqonayaa oo ay diyaar u noqonayaan Doorashadda Madaxtooyo ee tan ka danbaysa waa halkaa halka Sartu ka qudhunsan tahay ee in sharcui ahaan loo caddeeyo ay tahay, Xeerkan ay Ina Biixi iyo Ina Kaahin la cararayana ma waxa ay tahay in la raaco qodobadda Sharci ee Dastuurku ka odhanayo arrinkan mise Qodobadda Xeerka Doorashooyinku ka odhanayo arrinkan taagan waxa kale oo iyana meesha ku jira in la is waydiiyo wali Xisbiyo ma ay noqon ee maxay Tartan galaan, maxaase loo diidan yahay kuwan hadda ah Xisbiyo Sharci oo jira in uu la tartamo Kulmiye? waxaanad moodaa qarjajacdda uu wado Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) iyo Maxamed Kaahin Axmed (Haahayle), inay inaga dhaadhiciyaan in uraradda cusub ee aan wali sharci noqon soona bixin iyo kuwii hore u jiray tartanka doorashadda Xisbiyadda wada galayaan halkaasna saddexdda soo baxaa noqonyaan kuwa u tarmai doona doorashadda Madaxtooyadda ee 13 November, haddiiba ay sidaa tahay miyaanay la mid ahayn inuu dhaboobay Tuduc ka mid ahaa Suugaantii Hadraawi ee odhanaysay "Waxa Diinka loo seexshay inay Dacawaddu guul hesho" taasi oo aan uga soo dab qaatay in loo diidan yahay in lala galo UCUD iyo WADDANI tartan toosa oo Madaxtooyo inaanu Muuse ku soo baxayn Madaxwyne danbe taa badlkeeddana uu doonayo inuu la soo baxo laba Urur Caantayn oo uu inoo Laqimo inay ka soo baxeen Tartanka Urarrda Maxlalka ah laba ka mida iyo Kulmiye oo oo ay kor iyo hoosba tahay inuu soo baxo dabadeedna uu Kulmiye badiyo sidaana uu mar kale u noqdo Muuse Biixi Cabdi (Kala kaan) Madaxayne Somaliland ah oo mar labaad la doortay doorashadda ka horna uu Maxamed Kaahin Axmed (Haahayle) ku wareejiyo Kurisgga Guddoomiyaha Kulmiye isna uu sidaa ku hiigsaddo Madaxwyne Kulmiye ee danbe waa siddaa Filimka Caantaynka ah ee ay doonayaan inay inoo dhiggaan Muuse Biixi Cabdi (      Kala kaan) iyo Maxamed Kaahin Axmed (Haahayle)

 

 

 

Hadaba aan kuu jid bixiyee boowe sida aan u fahmay fartii qaaxo ee ay siyaasadda u yaqaanii Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) iyo Maxamed Kaahin Axmed (Haahayle)

 

 

Haddaba akhristes farasamadda ka danbaysa in la ina yidhaa ururo ayaa la furayaa waa taa ee bal Boowe aan aragno in sidaa ay Shaxdda Siyaasadda u yaqaanaan Labadan Wax ma yaqaan inay ugu hirgasho iyo inay Laan Dheeriyi la duusho oo ay dalkii lagu soo tbacayay 30 iyo Dhiidhhii Haadaan ka tuuraan ioyo inay noqdaan laba Madaxwayne oo isku xigga oo Kulmiye Xisbi la yidhaa ka soo baxay oo Xalaala iyo in Suuqyadda Caasimadda la is eryaddo in kastoo aanan taa danbe Eebbe uga baryay Somaliland.

 

W/Q: Cabdi Muxumed

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...