Xuquuqda Kaa Maqan Iyo Ta Kugu Maqanba Xildhibaan Baad U Tahay

0
Wednesday July 13, 2022 - 09:11:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 478
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuquuqda Kaa Maqan Iyo Ta Kugu Maqanba Xildhibaan Baad U Tahay

    W/Q: Muxammed Axmed Barkhad (Khadar)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muxammed Axmed Barkhad (Khadar)

Anigoo ah dhaqaaleyahan immika ka shaqeeya jaamacadda magaalada Örebro ee dalka Sweden laakiin muddo 26 sano ah u soo shaqeeyay dawladda hoose ee magaalada Örebro waxan fikirkayga ka dhiibanayaa mooshinka Golaha wakiiladaee wax ka beddelka sida degmooyinka dalka loogu qaybiyo dakhliga cashuuraha ee ka soo baxa kastamada dalka. Waa arrin wanaagsan in goluhu ka hadlo in si fiican loo qaybsado dhaqaalaha dalka ka soo baxa laakiin waxa arrinkooda qurux u yeeli lahaa haddii ay ku dari lahaayeen mooshin ka hadlaya saamiqaybsiga golaha wakiilada.Golaha wakiiladu haddii uu doonayo in uu wax ka beddelo arrintan tobanaan sano ka hor ayuu beddeli lahaa laakiin waxad mooddaa in markii hore heshiis lagu ahaa in magaalo waliba wixii khayraad ah ee ka soo baxa degaankeeda ay qaadato 10%. Reer Sanaag iyo Awdal waxa ay islahaayeen buuraha ayaa laga heli doonaa dahab farabadan. Reer Togdheer iyo Soolna batrool iyo gaaska dabiiciga ah ayay naawilayeen.

 

Anigoo degaan ahaan ka soo jeeda magaalada Hargeysa laakiin ku barbaaray magaalada Wajaale oo jecel in Gebilay iyo Hargeysaba ay wax u kordhaan haddana waxan taageersanahay in dhaqaalaha dalka si caddaalad ah loo qaybsado waxanse ku xidhayaa shuruud ah in goluhu keeno mooshinka saamiqaybsiga golaha wakiilada oo ku salaysan tirokoobka dadka deggen gobol kasta. Dalka Sweden xataa wasiirada ayaa loogu qaybiyaa tirada dadka gobol walba deggen. Sida ku cad jaantuska hoos ku xusan, saamiqaybsiga maanta waxa cid waliba qiraysaa in Maroodijeex uu yahay gobolka ku dulman oo ay ka maqan yihiin 11 kursi.

 



 

Waa caddaaladdaro in gobalada qaarkood lagaga soo baxay laba ama saddex kun oo cod, halka kuwa Maroodijeexna ay ku waayeen shan kun oo cod. Waxan filayaa in dadka deggen gobolka Maroodijeex aanay aqbali karayn in cashuurtana xaq lagu qaybsado kuraasida golahana xaqdarro lagu qaybsado. Soomaalidu waxay tidhaahdaa ”ragga waxaanad yeesheen laguma dayo”. Waxan ku soo gunaanadayaa, xildhibaan, xuquuqda kaa maqan iyo ta kugu maqanba xildhibaan baad u tahay oo ilaahay kugula xisaabtami doonaa ee ogow.

 

Muxammed Axmed Barkhad (Khadar)

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...