Biyo-Guure/Biyo Kulule Wax Go-Lagu Qaado Ka Weyn.

0
Wednesday July 13, 2022 - 09:07:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biyo-Guure/Biyo Kulule Wax Go-Lagu Qaado Ka Weyn.

    W/Q: Mohamed Ali Bashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Ali Bashe

Ugu Horayn Ogaada Reer Somaliland Aw Qarannimo Dumusku Waxay Kasoo Daadagayeen Welina Kasoo Daadegaan Xagga Madaxweyneyaasha Iyo Kolba Xukuumaddii Joogta, Hana Ku Kula Badnaadaane Weyka Simanyihiin Mana Ka Warwareegi Karaan, Ficilkii Iyo Hadal Kii Dhulkii Meel Walba Ahaa Sida Loo Cadilay Iyadoo Laba Beerayn Lana Dhisayn. Siilaanyo Duuban Baa La Hayaa Isagoo Leh Berbera Ciisa Muusaa Leh. Arinkaa Qof Walba Sida Faataxada Ayaa Loo Akhiriyaa Dhulboobka Iyo Buuraha Annagaa Leh Miyiga A Annagaa Leh Waan A Qaran Dumisnimo. Tusaale Imika Berbera Illaa Bulla Xaar Waa Dayr Iyo Sees Dhinaca Bariga Iyo Koofurtuna Waa La Mid. Lamana Dhiso Lamana Beero Sicirka Saaran Ajanibi Mooyee Cidi Ma Goyn Karto.

 

Haddaan Usoo Daadego Arinkani Biyo Kulule Horta Nin A Beer Kama Dhigan Karo  Waaba Buur Sibidha Oo Ciid Waxka Baxaan Maaha, Qolada Kalee Leh Waa Tuulo Iyana Been Weeye  Oo Waa Biyahaa Kulul Ee Ummaddu Si Dabiiciya Isugu Dawayso Oo Waa Taandhooyin Buulala. Xukuumadda Wasaaraduna Wey Qaldantay Oo Mayor Ciddin Aa Ka Saxsan Oo Dalxiis National Ah Biyo Guure Ma Noqon Karo Ee Waa Dalxiis Gobol Iyo Degmo Ayuu Noqon Karaa Waayo Waxaa La Tagaa Jilaalka Oo Qudha Ee Xaggaagii Waa Kulayl Dhaaf Oo Naar Ciddi Ma Taaban Karto Markaa Timir-Lafbaa Ku Jirta Ee Xukuumadu Degmada Faraa Ha Uga Qaado, Degmaduna Maal Qof Kama Dhigi Karto. Biyahani Markay Dooxa Biyo Kulule Ku Soo Dhacana 12 Ka Blood Dooxu Wuu Rogmanayaan Biyahaasu Badday Galaan Oo Xabbad Basala Laguma Beero, Hadday Wasaaradi Imanayso Ta Beerahaa Ku Haboon In Ay 20 Kilo Metre Oo 2da Dhinac Ee Dooxa Biyo Guure Khudaar Iskaashatooyina Laga Beero Meesha Dalxiis Kuma Jiro Ee Waa Dhako-Kale.

Dadkii Somaliland Oo Dhan Arimo Dhulboobaa Gobol Kasta Madaxa La Isku La Jiraa Xukuumadaa Iyo Madaxweynaha Ku Sheeg Iyo Maayoro Ku Sheeg Baa Sidaa U Galay Aakhirkana Dhulkan Ajanibi Uu Baa Laga Iibin Waxay Socotaba. Allah hA U NAXARIISTEE GABAYAAGII FARAX NUUR WUXUU BOQOL SANO KA HOR YIDHI

 

WAA DUNI LAKALA IIBSADOON NALA OGAYSIINE

 

WAA DUNI AKHYAARTII LAHAYD IIB KU DOONTAHAYE.

 

Mohamed Ali Bashe.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...