Dantu Waxay Ku Jirtaa Inay Heshiiyaan

0
Wednesday July 13, 2022 - 08:02:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dantu Waxay Ku Jirtaa Inay Heshiiyaan

    W/Q: Kaysar Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kaysar Maxamed

Danta Dalka, Danta Dadka, Danta Madaxweynaha iyo Danta Xisbiyada Mucaaridka ayay ku jirtaa inay heshiis ka gaadhaan Khilaafka Siyaasadeed ee Dalka ragaadiyay.


Waxaa hubaal ah inaan Doorasho Madaxtooyo oo 13 November dhacaysaa aanay jirine ku biyo-cabba.

Waxaa kale oo Hubaal ah inaanay  Doorasho Urrurro oo Doorashada Madaxweynaha ka soo horraysaa jiraynine tana ku biyo-cabba.


Runta waxba lagama warwareego, runta biyo kama dhibcaabka ahina wuxuun bay kusoo ururaysaa siday aniga ila tahay qodobadan:


1. Mudada Madaxweynaha oo loo kordhiyo wakhti macquul oo la isla ogol yahay oo lagu salaynayo (kordhin-farsamo)


2. Mudada Saddexda Xisbi Qaran oo la kordhiyo gar iyo gardarraba.


3. Furitaanka Ururrada oo ah mid Sharci ah oo imika furan oo la sii dardar galiyo, xeerarka ka dhimana uu Baarlamanku diyaariyo si loo raaco Amarkii Maxkamada sare ee faray in doorashada tooska ah ee Ururrada sharciga la waafajiyo.


4. In Madaxweynaha ku Guulaysta Doorasha Madaxtooyadu uu sii anbo-qaado geedi socodka Ururrada iyo soo saarista Saddex Xisbi Qaran oo cusub.


Dabcan Qodobka u danbeeya ee aan cidna dani ugu jirin, in uu yimaadana ay tahay in laga hor tago waa in Madaxweynaha, Xukuumada ama Xisbiyadu ay is bidaan inay Xoog wax ku maquunin karaan, oo inta Shaydaan u sheekeeyo la iska dhaadhiciyo in Xoog wax la isku jiidhsiiyo.


Waxaana halkaas ka dhalan kara Dagaalo iyo Gacan ka hadal dhabarka ka jebin kara tacabkii ay Somaliland soo dhisanaysay Soddankii sanadood ee la soo dhaafay.


Rabbow Tubta Toosan nagu hagaaji

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...