'' 30 Guuro Iyo Saadaasha Mustaqbalka ''.

0
Wednesday June 05, 2019 - 15:27:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' 30 Guuro Iyo Saadaasha Mustaqbalka ''.

    30 sanno ka hor 1989 waxaa magaaladda Hargaysa kasoo baxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

30 sanno ka hor 1989 waxaa magaaladda Hargaysa kasoo baxay

Col Axmed Cumar jees oo ahaa Abaan-duulihii Qaybta 26 aad ee ciidankii xooga dalka soomaaliyeed , ka dibna wuxuu aasaasay jabhadii SPM .

 

Bilo ka dib , waxaa yimi Magaaladda Bali-gubadle Gen Maxamed Faarax Caydiid , waxaana halkaa shir sadex geesood ihi ku dhex maray hogaamiye yaashii jabhadaha , Cabdiraxmaan tuur , Caydiiid iyo Axmed Cumar jees , dhamaa hogaamiyeaashaasina waxay dagaal kula jireen Madaxwaynihii Soomaaliya ee waagaas Maxamed Siyaad Barre .

 

30 sanno ka dib , Booskii Maxamed Siyaad Barre waxaa fadhiya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo halkii kasii wada tacliimaadkii Maxamed Siyaad .

 

Booskii Caydiid na waxaa fadhiya , C/raxmaan Cabdi shukuur oo is na halkii kasii wada halgankii Maxamed F Caydiid .

 

Sidoo kale booskii Axmed Cumar Jees na waxaa fadhiya Axmed Madoobe oo isna halkii kasii wada halgankii Axmed Cumar jees .

 

Sidaas markay tahay , marka la eego saadaasha wadanka Soomaaliya iyo sidda imika wax u socdaan , waxaa muuqda san saan u eeg kii 1990 , waana dabeecad taariikhdu leedahay , History repeat it self .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...