Waa mawduuc muhiim ah, wax badanne aad ka faa'idaysan doontaan.

0
Monday July 11, 2022 - 12:36:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa mawduuc muhiim ah, wax badanne aad ka faa'idaysan doontaan.

    Si qanjirka thyroid-ka u shaqeeyo, wuxuu dhambaal hormoon ah ka helaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si qanjirka thyroid-ka u shaqeeyo, wuxuu dhambaal hormoon ah ka helaa


Waxaan badanaa la kulmaa bukaanno qaba ama lagu sheegay xanuunada qanjirka thyroid-ka ku dhaca, laakiin nasiib xumo loo qoray daawo khilaafsan baaritaannada ay wataan, sababtuna waa aqoon la'aan keentay in si khaldan loo fasiro jawaabaha shaybaarka, waxaana qoraalkaan kaga hadli doonaa khaladaadkaas qaabka ay ku yimaadaan iyo sida looga hortagi karo.


Qanjirka thyroid-ka waa xubin ku jirta dhuunta, wuxuu soo daayaa dheecaanno loo yaqaano "hormones" oo muhiim u ah shaqada qeybo badan oo jirka ka tirsan, hadduu qanjirka shaqada joojiyo ama shaqada badiyo labaduba waa xanuun u baahan daawo, xanuunkaasina wuxuu noqon karaa mid kumeel-gaar ah ama mid joogto ah.

Si qanjirka thyroid-ka u shaqeeyo, wuxuu dhambaal hormoon ah ka helaa qanjir maskaxda ku jira oo loo yaqaano "Pituitary", kaasoo soo daayo hormoon loo yaqaanno "Thyroid Stimulating Hormone" loona soo gaabiyo "TSH", macnihiisuna yahay "homroonka ka shaqeysiiyo thyroid-ka".

Markuu hormoonkaasi soo gaaro lana falgalo qanjirka thyroid-ka, wuxuu qanjirka thyroid-ka soo daayaa hormoon loo yaqaano "T4", kaasoo jirka lagu baahiyo, kadibne markuu unugyada jirka la falgalayo waxaa hormoonka "T4" isu badalaa hormoon kale oo loo yaqaano "T3" si jirka uga faa'idaysto.

Marka baaritanka lagu eegayo shaqada qanjirka thyroid-ka wuxuu ka kooban yahay 3-daas hormoon, waxaana filayaa inaad fahanteen mid walba meesha uu ka yimaado iyo shaqada uu qabto.
Intaas kadib, markii jawaabta soo baxdo waa inuu dhakhtarka aqoon buuxda u leeyahay fasiridda jawaabta sababtoo ah:

1- Haddii hormoonka "TSH" uu kacsan yahay, hormoonka "T4" iyo "T3" ay hooseeyaan wuxuu qofka qabaa "Holwgabka qanjirka thyroid-ka". "T4" iyo "T3" sababta ay u hooseeyaan waa qanjirka thyroid-ka oo shaqeyn la', sidaas awgeed qanjirka "Pituitary" ee maskaxda ku jira wuxuu dareemayaa in thyroid-ka shqeyn la'yahay, markaasi wuxuu soo deynayaa "TSH" badan si qanjirka thyroid-ka looga shaqeysiiyo. Tan waa khaladka ugu horeeyo oo ah: in bukaanka loo sheego in qanjirka thyroid-ku kacsan yahay maadaama hormoonka "TSH" uu kacsan yahay, qofkane loo qoro daawo qanjirka shaqadiisa yareyso isagoo awalba qanjirkiisu shaqeyn la'yahay.

2- Haddii hormoonka "TSH" uu dhacsan yahay, laakiin "T4" iyo "T3" ay sareeyaan, waxaad qabtaa kacsanaanta qanjirka thyroid-ka, markaas waxaad u baahan tahay daawo yareysa shaqada qanjirka thyroid-ka. Sidoo kale, khaladka 2-aad halkaan ayuu ka dhacsaa in "TSH" oo hooseyso in la arko, bukaanka loo qoro daawo qanjirka thyroid-ka kicinayso isagoo awalba kacsanaa, kadibne qofka wadne xanuun ku dhaco.

3- Haddii hormoonka "TSH" kacsan yahay, "T4" iyo "T3" ay dabiici yihiin, waxay tilmaamaysaa in howlgabka qanjirka thyroid-ka uu kugu soo socdo, laakiin uusan soo shaac bixin, xaaladaasoo loo yaqaano "Subclinical hypothyroidism", in markaan daawo laguu qoro iyo in kale waxay ku xiran tahay astaamaha aad dareemayso iyo muddada aad xanuunsanayd.

4- Haddii hormoonka "TSH" uu hooseeyo, "T4" iyo "T3" aysan weli kacsanayn, waxaa jiro kacsanaanta qanjirka thyroid-ka oo aan soo shaac bixin, in daawo laguu qorane waxay ku xiran tahay cabashadaada iyo astaamaha kaa muuqdo.

5- Haddii 3-da hormoonba "TSH", "T4" iyo "T3" ay wada kacsan yihiin, waxay cilladu ka jirtaa qanjirka maskaxda ku jira ee "Pituitary", sababtuna waa buro loo yaqaano "Adenoma" oo qanjirka shaqadiisa la wareegtay, xalkiisuna badanaa waa qalliin, daawo waxba kama tarto.

6- Haddii 3-da hormoonba "TSH", "T4" iyo "T3" ay wada hooseeyaan, waxay sidoo kale cilladu ka jirtaa qanjirka maskaxda ku jira ee "Pituitary" oo howlgabay, waxayne u badan tahay in qofkaasi qanjirro badan ay shaqada gabeen, waana in la baaraa hormoonnada dhan ee qanjirkaasi kontaroolo. kadibne mid walba goonidiisa daawo looga siiyaa.

7- Haddii hormoonka "TSH" uu hooseeyo, "T4" ay sarreyso, "T3" ay dabiici tahay waxay tilmaamaysaa in qofkaasi qabo xanuun loo yaqaano "Thyroiditis" oo macnaheedu yahay in qanjirku shaqeynayo laakiin cillad kale ka hortaagan tahay in jirku ka faa'idaysto, wuxuuna bukaanka u baahanayaa in laga baaro waxyaabahaasi sida "Thyroid Antibodies", waxaa kaloo suuragal ah in qofka horay u qaadanayay daawada kor u qaadda shaqada qanjirka, una baahan yahay in daawada laga yareeyo ama inuu qofku waayeel yahay.

8- Haddii hormoonka "TSH" uu sarreeyo, "T4" ay dabiici tahay, laakiin "T3" ay sarreeyso waxaa loo yaqaanaa "T3 thyrotoxicosis", waxayna u badan tahay in qanjirka thyroid-ka ka soo baxday buro firfircoon, cilladaasoo loo yaqaano "Graves' Disease", arintaane waxaa lagu saxaa kaniiniyaal, mararka qaarne qalliin haddii laga fursan waayo.

Waxaa jira xaalado kale oo aan halkaan ku soo koobi karin, laakiin akhristow waxaad ka fahmaysaa qormadaan in qofka daawada thyroid-ka qorayo inay qasab tahay inuu aqoon buuxdo u leeyahay xaaladahaan iyo kuwa kaloo badan oo saameyn ku yeelan karo shaqada qanjirka thyroid-ka laakiin in qofka daawo la iskaga qoro waa arrin bulshada ku badan, si joogto ahne aan u la kulmo.

Fadlan #FAAFI qoramadaan, qof walba faa'ido ayay u leedahay, khaas ahaan bahda caafimaad iyo dadka la nool xanuunnada ku dhaca qanjirka thyroid-ka. Mahadsanidiin.

dr Abdullahi mahdi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...