Xafladdii Laydhka nalagu Bakhtiiyay.

0
Monday July 11, 2022 - 08:42:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafladdii Laydhka nalagu Bakhtiiyay.

    W/Q: Cabdiraxmaan Abees

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdiraxmaan Abees

Afar bilood markii aan dalka joogay ayaan bandhig suugaaneed la yidhaahdo ‘‘Halabuur La Bilkeeday Iyo Habeenkii Cabdiraxmaan Abees,’’ ku qabtay magaalada Hargeysa 28. 07. 2017, Maansoor Hotel. Waxaa magaca xafladda u bixiyay (AHUN) Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo 18. 06. 2020, ku geeriyooday magaalada London. Markii aannu dhallinyarada qorshaha xafladda isla meel dhignay, ayaa aannu farsamo ahaan sidii arrimaha qaar loo suurtogelin lahaa isla sii eegnay, tusaale ahaan sidii aannu laba arrin isku waafajin lahayn; waa ta kowaade in xafladdaasi aannu ka dhigno mid arrimaha siyaasadda ka madaxbannaan; waa ta labaade in aannu saddexda xisbi madaxdooda ku soo casuunno, si is-dhexgalka bulshada iyo isku soo-dhawaanshaha ay wax uga tarto. Maaddaama oo xiisaddii iyo xifaaltankii ololaha doorashadu maalmahaas uun soo bilaabmaayay.



Sidaa darteed, qolo dhallinyaro ah oo ka mid ah taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, oo ay isku xidhan yihiin madaxda Xisbiga Kulmiye, ayaa aannu u wakiilannay in ay soo casuumaan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxa ay dhallinyartii la hadleen Mubaarig Ismaaciil Cabdi (Mubaarig Taani) oo ahaa xoghayaha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Innamadii waxa ay ii sheegeen in uu iman doono Guddoomiye Muuse Biixi. Waxa kale oo aan cid u diray guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-Waraabe), waxa ay se nagu soo wargeliyeen in uu Faysal maqan yahay laakiin ay ka soo qaybgeli doonaan madax sare oo ka mid ah Xisbiga UCID. Xamse Cabdiraxmaan Khayrre oo ka mid ah madaxda Xisbiga Waddani ayaan la hadlay, waxa aan ka codsaday in uu guddoomiyahoodu xafladdaasi nagala soo qaybgalo oo uu noo soo casuumo. Xamse arrinkii waa uu ka hawlgalay waanu noo soo ballamiyay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).


Xafladdu markii ay bilaabmaysay ee aanan hoolka xafladdu ka dhacayso gelin in yar ka hor ayaa uu Mubaarig Taani ila soo hadlay oo uu ii sheegay in aanu Guddoomiye Muuse Biixi iman karin laakiin guddoomiye-kuxigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi-Dheere uu nagala soo qaybgali doono, sidaas buu Guddoomiye Axmed Cabdi-Dheere isaguna noogu yimid. Waxa sidoo kale mar danbe yimid oo nagala soo qaybgalay xafladda oo gebogebo ku dhow madaxda Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, oo uu hoggaaminaayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo shir kale oo uu lahaa nagaga soo habsaamay.


Xafladdaasi aniga xiise gaar ah bay ii lahayd waayo waxaa fadhiyay oo ka soo qaybgalay Aabbahay iyo Hooyaday. Waxa kale oo marti sharafta xafladda nagala soo qaybgashay ka mid ahaa, (AHUN) Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan, Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac, Danjire Ayaan Maxamuud Cashuur, Dhaqanyaqaan Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Rashiid-Gadhweyne), Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar, Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), Sheekh Maxamed Cabdi Daa’uud iyo Martin Owen. Arrimo siyaasadda ku lug leh habeenkaa lagagama hadal madashaasi, qof siyaasi ah waxa ka hadlay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo marti sharafta aan soo casuunay ka mid ahaa, oo isagu bahdayada suugaanta ka tirsan oo dhankaa raacsanaa. Jamaal laftiisu waxa uu habeenka ka hadlay suugaantayda iyo aqoonta shaqsi ee uu ii leeyahay. Suugaantii aan habeenkaa goobtaa ka tiriyay waxa ay ku eekayd uun suugaantaan ku sameeyay qurbaha intii aan ku sugnaa, waxa ay ku jihaysnayd uun wacyigelin guud, muhiimadda afka iyo dhaqanka, isku soo-dhawaynta bulshada IWM.


La yaab waxa lahayd, markii ay xafladdii dhammaatay, annaga oo is leh sawirro wada gala Guddoomiye Cirro, ayaa mar qudha laydhkii hoolka nalagu bakhtiiyay oo uu maqnaa muddo 30 ilaa 40 il-bidhiqsi ah. Cillad farsamo ayaa aan moodaayay, laakiin markii danbe ayaa ay soo baxday in laydhka ogaan loo bakhtiiyay. Laydhka waxaa bakhtiiyay Axmed Maxamed Cabdi (Axmed Daa’uud), oo ka mid ahaa taageerayaashii Xisbiga Kulmiye waqtigaasi. Maalintii Coldoon la xukumay ee aan aniguna ka hadlay ayaa aan laba eray ka idhi tegistii Boorame kadib markii weriyayaashu i weyddiiyeen, markii hadalkaasi bulshada gaadhay oo siyaabo kala duwan loo turjuntay ayaa uu isla maalintaasba Axmed Daa’uud bartiisa Faysbuug (Facebook) uu ku shaaciyay in aanay ahayn markii kowaad ee la i shirqoolo ee kuwo kale ay ka horreeyeen, waxa uuna ka sheekeeyay sidii ay ku timid in laydhka uu bakhtiiyo iyo ujeeddooyinkii qarsoonaa ee ay u bakhtiiyeen.


Mar danbe oo aan weyddiiyay Axmed Daa’uud sida ay wax u dhaceen waxa uu yidhi, "Aniga iyo Maxamed Muuse Biixi…”Buugga Mayal.

I

Ciwaanka: ‘‘Bandhiggii "Halabuur La Bilkeeday’’

Sidii roon Allahayoow.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...