Hayaanka Nolosha Iyo Fahamka Sirta Guusha.

0
Sunday July 10, 2022 - 16:56:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hayaanka Nolosha Iyo Fahamka Sirta Guusha.

    Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada C/xakiin Bustaale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada C/xakiin Bustaale.

Maaraynta Noloshu Kaliya Kuma Xidhna Deegaanka iyo Duruufta ay bulshadu Ku Nooshahay waxaase sal u ah Faham iyo La Qabsiga  Dhamaystirka Xuquuqdooda asaasiga ah .



Wiilkan Yar ee Halkan inooga wada Muuqdaa halka uu joogaa waa Deegaan Miyi ah wuxuu ku nool yahay xaalad ka duwan xaaladaha ay ku nool yihiin caruurta ay Da'a ahaan wada  jiraan ee ku Nool Magaalooyinka.

Wiilkan yari aroortii waxaa uu u jarmaadaa goobta waxbarashada ee ku taala deegaankiisa , marka uu ka soo rawaxo Dugsiga  Waxbarashada waxaa  Loo Diraa  Maqasha yar yar ee xoolaha laga Reebo.


Inta uu ku dhex jirto ilaalinta iyo Daaq Geynta Maqasha waxaa uu sii qaataa Buugaagta loogu soo dhigay carasharada Dugsiga  isaga oo ku dhex Akhrista  marka uu wakhtiga u helo.


Waxaa laga yaabaa wiilka ku nool goob magaalo ah in aan loo dirin shaqo ka badan Tagista goobtiisa waxbarasho isla markaana uu helo Fursad Nasasho iyo Dalxiis,hadana  waxaa laga yaabaa in ardaygaa Xoola  jirka ah  ee ay Wakhtiga  Waxbarashada ku wada jiraan inuu Kaga Xariifsanaado Waxbarashada, 


Tani waa sababta ay Dadka Miyiga wax kusoo bartaa ay uga dedaal badan yihiin dadka Magaalooyinka wax ku barta,.

Fursadan waxbarsho  waxaa siiyay waalidka dhalay  inankan yar iyaga  oo Fahamsan inay ubadkoodu xaq u leeyihiin  inay helaan waxbarsho  si ay Naftooda iyo Bulshadoodaba ay wax  utaraan


Ugu Dabayn Waxa aynu Dhacdadan Ka Fahmaynaa in ay Waxbarashadu ay Muhiim u Tahay  Bulshada oo dhan isla Markaana  Ubadkeena aynu Siino Fursado Waxbarasho  Oo Loo Siman Yahay Si ay u Helaan Xuquuqdooda  Oo Dhamays Tiran.


Hormarka Bulshadu  Waxaa uu  ku Jiraa Wax Barista Ubadkooda.

Eid Mubaarik.

Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada C/xakiin Bustaale.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...