Madaxwayanaha Sri Lanka Ee Mudaaharaadayaashu Bara Bixiyeen Oo Shaaciyay Xiliga Uu Iscasilayo

0
Sunday July 10, 2022 - 16:42:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayanaha Sri Lanka Ee Mudaaharaadayaashu Bara Bixiyeen Oo Shaaciyay Xiliga Uu Iscasilayo

    "Ku dhawaaqista in madaxweynuhu uu xilka ka degayo ayaa jawi farxadeed…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ku dhawaaqista in madaxweynuhu uu xilka ka degayo ayaa jawi farxadeed…"

Madaxweynaha Sri Lanka iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sri Lanka ayaa lagu wadaa Inay Arbacada iska casilaan Xilka  ka dib markii dad badan oo cadheysani ay xoog ku galeen xarunta dowladda shalay Sabtidii, halkaas oo Mareykanku uu ugu baaqay madaxda Sri Lanka in ay si deg deg ah u dejiyaan cadhada shacabka.



Afhayeenka baarlamaanka Mahinda Yapa Abiwardena ayaa ku sheegay - hadal laga sii daayay telefishinka, in madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa uu ka cararay qasrigiisa ka dib markii mudaaharaadayaashu ay xoog ku galeen ,waxaanuu  u sheegay inuu xilka ka degayo Arbacada soo socota.


Afhayeenku waxa uu xusay in Go'aanka xilka uu kagaga degayo laysla qaatay inay noqoto 13-ka bishan aynu ku jiro ee July si loo xaqiijiyo in si nabad ah xukunka lagu wareejiyo.  Isagoo shacabka dalkaas ka codsanay inay sharciga ixtiraamaan oo ay nabadda ilaaliyaan.


Ku dhawaaqista in madaxweynuhu uu xilka ka degayo ayaa jawi farxadeed ka dhalisay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Colombo.


Dhankiisa, xafiiska ra'iisul wasaaraha Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ayaa ku sheegay, bayaan uu soo saaray  in uu diyaar u yahay in uu iscasilo si uu u sameeyo dhismaha dowlad ay Axsaabtu u dhan yihiin.


Mr, Ranil  waxa uu wadahadalo la yeeshay dhawr hoggaamiye xisbi  si uu u go'aamiyo tillaabooyinka la qaadayo ka dib qalalaasahan.

Loading...
Loading...