Tartan Loogu Jiro Cidii Badeli Lahayd Raysal Wasaaraha Ingiriiska Ee Iscasilay

0
Sunday July 10, 2022 - 16:33:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartan Loogu Jiro Cidii Badeli Lahayd Raysal Wasaaraha Ingiriiska Ee Iscasilay

    "Sidoo kale Sabtidii, Xoghayaha Gaadiidka ee Britain, ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay inuu xilka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale Sabtidii, Xoghayaha Gaadiidka ee Britain, ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay inuu xilka"

Loolan xooga ayaa loogu jiraa Cidi bedeli lahay Raysal wasaaraha Ingiriiska, Wasiirkii iscasilay ee caafimaadka Ingiriiska Sajid Javid iyo wasiirkii hore ee caafimaadka Jeremy Hunt ayaa ku dhawaaqay in ay u sharaxan yihiin xisbiga Conservative Party si uu u badalo raysal wasaare Boris Johnson, waxaana tartanka iskaga badhay xoghayaha difaaca Ben Wallace.



Shalay oo Sabti ahayd, Javid iyo Hunt waxay ku biireen Wasiirka Maaliyadda ee hadda, Nazim Al-Zahawi, si ay ugu tartamaan hoggaanka Xisbiga Conservative Party, iyagoo og in Hunt uu Johnson kula tartamay jagada 2019-ka.


Sidoo kale Sabtidii, Xoghayaha Gaadiidka ee Britain, Grant Shapps ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay inuu xilka kala wareego Johnson, isagoo noqday ku xigeenka shanaad ee Conservative ee gala tartanka la filayo , inkastoo ay adag tahay , inuu  soo jiito konserfatif badan.


Shapps, oo ah xildhibaan rug-caddaa ah oo markii ugu horreysay xil wasiirnimo ka qabtay xukuumaddii Raysal-wasaarihii hore ee David Cameron sannadkii 2010-kii, ayaa ballan-qaaday inuu soo saari doono xukuumad istaraatijiyad ah iyo   mid miyir qabta.

Loading...
Loading...