Gudoomiyaha Ururka Qareenada Jsl Oo Dhambaal Hambalyo Munaasibadda Ciidul Odxa ah u Diray Shacabka

0
Sunday July 10, 2022 - 09:45:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Ururka Qareenada Jsl Oo Dhambaal Hambalyo Munaasibadda Ciidul Odxa ah u Diray Shacabka

    Garyaqaan. Xasan C/laahi cawaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaan. Xasan C/laahi cawaale

Xasan C/laahi cawaale' ayaa dhambaal Tahniyadda oo Munaasibada Debaaldega Ciidul Odxa u diray Shacabka Somaliland iyo guud ahaan Mushtamaca Caalamul Islaamka ee Maanta Daafaha Dunida ku kala dabaal degay munaasibadani.



Gudoomiyaha Ururka Qareenada Jsl

Xasan C/laahi cawaal oo qoraal uu soo saaray ugu Tahniyeynaya guud ahaan Umadda Islaamka iyo gaar ahaan shacabka reer Somaliland Munaasibada Ciidul Odxa' waxa uu Illaahay uga baryey inay Sanafka Sannadkiisa iyo Sannado badan oo kale ku Ciidaan kuna gaadhaan Farxad ' Nabadgelyo' Horumar iyo Cibaado Suuba.


Garyaqaan Xasan Cabdilaahi Cawaale waxa uu Dhambaalkiisa Curashadda Iidul Odxa ugu Tahniyeeyey umada ku yidhi"Anigoo ku hadlaya Magaca Urur waynaha Qareenada Jsl, (SOLLA) waxaan Halkan Hambayo Bogaadin uga Dirayaa Dhamaan Ururka Qareenada Jsl, Bahda Garsoorka iyo Dhamaan Shacbiga J/somaliland Ciidamada Kala gedinsan  ee qalabka sida.  Munaasibada Ciidal Firiga awgeed anigoo la Qaybsanada Farxada Maalmahan khayrka Badan, ilaahayna ha inaga Aqbalo Acmaashii  khayr lahayd. Ilaahayna ha inaga Aqbalo Acmaashii khayrka lahayd ee aynu soo samanay Tobankii Cisho ee u danbeeyey..."


Guddoomiye Garyaqaan Xasan Cawaale waxa uu inta ku daray"Waxaa leeyahay ilaahay Ciiddan ciideeda ha inagu gaadhsiiyo, Bash bash iyo Barwaaqo Horumar, Caafimaad taama' Marlabaad anigoo ku hadlaaya Magaca ururka Qareenada qaranka Jsl  Waxaan ilaahay  ka baryayaa inuu inagu gaadhsiiyo Barwaaqo, Caafimaad, Horumar, ilaahayna Waxaan ka baryayaa inuu raxmaadkiisa inoo shubo..."


Allaa Mahad Leh

Gudoomiyaha Ururka Qareenada Jsl

Garyaqaan. Xasan C/laahi cawaale

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...