Aabbo Na Baadho: Aabbahay Iyo Aniga

0
Sunday July 10, 2022 - 09:18:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabbo Na Baadho: Aabbahay Iyo Aniga

    Buugga Mayal. Bogga: 102 iyo 103.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buugga Mayal. Bogga: 102 iyo 103.

Sannadku waa 1987-ka aakhirkiisii. Waa aniga, walaashay, walaalkay iyo hooyaday oo qudha. Aabbahay waxa uu ku biiray sannad ka horba Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM. Waxa arooraha qaar nagu soo garaaca albaabka qaar ka mid ah ciidankii dawladda Soomaaliya oo gurigayaga kala roga iyaga oo ka baadhaya cid ka mid ah ururka SNM ama aabbahayba. Markii culayskii nagu batay ayaa uu aabbo farriin qof noogu soo dhiibay oo uu yidhi, ‘‘Soo baxa, oo Qudhac Raamaale kaalaya.’’ Halkaas oo uu ku sugnaa isaga iyo qaar ka mid ah ururkii SNM.



Gaadhi weyn oo ah kuwa rakaabka oo uu aabbo nagu soo ballamiyay ayaa aannu raacnay. Magaalada ayaa aannu ka sii baxaynaa. Waa nala joojiyay; waa askar xidhan dharkii ciidanka milatariga ama loo yaqaanno tuutaha, iyo kabo waaweyn oo qadh ah; dhexda waxa ugu duuban boosh iyo rasaas; waxa ay sitaan qoryo. Waannu dhaqaaqnaa. Marka aannu waxoogaa soconno ayaa haddana kaantarool kale nalagu joojiyaa, waa askar intii kuwii hore xidhnaayeen xidhan.


Tiraba intii aannu dhexda ku sii jirnay shan ilaa lix jeer ayaa nala joojiyay oo gaadhiga gebigiisaba la baadhay, oo xataa askartu alaabta ayay kala qufayeen oo inba meel ayay ku tuurayeen. Hanjaabaad, handadaad iyo su’aalo kulul baa intaa noo raacaya. Waxa rakaabka iyo hooyadayba igula dardaarmayaan in aanan la hadal askarta dawladda oo ay yihiin dad xun.


Aakhirkii waannu nabad tagnay Qudhac Raamaale. Istaankii gawaadhida markii uu baabuurkii na siday joogsaday, ayaa aabbahay iyo rag ay ka mid yihiin (AHUN) Axmed Ibraahin Daahir (Axmed Weyne) iyo Xuseen Cabdi Weerar noogu yimaaddeen. Afar sanno ayaan jiray oo aan markaas uun noqday. Aabbahay oo aanan muddo badan arag baan ku cararay. Haddana, waxa aan arkay iyaga oo ku lebbisan dharkii, oo gashan kabihii ay xidhnaayeen ciidankii na kadeeday, kaaga darane booshkii iyo qorigiina way sitaan. "Carruurnimo waa ciil laga weynaaday,” bay Soomaalidu tidhaahda. Aabbahay markii uu kor ii qaaday ee nimankii la socday midba mar "Adeer,” i yidhaahdo ayaa aan yaabay.


Habdhaqankii nimankii ay isku dharka iyo qalabka ahaayeen ayaa aan dareemay in uu ka maqan yahay, oo aan ka waayay. Waxa aan is weyddiinayay maxa ay iyaguna sidii kuwii hore idiin baadhi waayeen, idiin aflegaaddayn waayeen ama ay idiin camaajurayn waayeen. Waxa ay ila noqotay in aabbahay iyo saaxiibbadii wax ka khaldan yihiin, oo aan saxo oo aan u sheego in waajibaadkoodii aanay u wada fulin sidii uu ahaa. Waxa aan ku idhi, "Aabbo na baadho.’’ Mar way qosleen marna way ka naxeen; mar waxa ay ku qoslaan ciyaalnimada iyo labada eray ee aan meel wada gali karin ee aan is raaciyay ee aabbo iyo na baadho, marna waa ay ka xumaadeen, oo waxa ay fahmeen in ay caqliyaddii gurracnayd ee aan soo arkaayay i saamaysay, oo aan u qaatay wax sax ah in ciidanka dawladdu ku dili karaan, ku maagi karaan iyo in ay ku xidhi karaan. Haddii aanay aabbahay iyo intii la midka ahayd ka dhiidhiyi lahayn, waxa aannu noqon lahayn, aniga iyo kuwa ila midka ahi, qaar dullinimada iyo dulmiga in ay ku noolaadaan loo tabobaro, oo inta lagu barbaariyo dhaqankaas qaayiba, oo hanka iyo damiirkaba naafo ka noqda. Weedhaasi waxa ay noqotay naanays ay ii yaqaannaan , iiguna yeedhaan ilaa hadda qaar badan oo aabbahay ay ku wada jireen ururkii SNM.


Jabhadda waxa uu aabbahay ugu biiray annagana nooga soo kaxeeyay dalkayagii iyo halkii aannu ku dhalannay, in aannu berri noqonno kuwo han leh oo ku noolaada, kuna naallooda gobannimo, sharaf iyo xorriyad, isaga iyo qaar kale oo la mid ahina ugu badheedheen wed iyo dhimasho oo ay taasi ku beddesheen, Alle ha u naxariisto intii ku geeriyootaye. Waana ta aan maanta u tagaanahay.””Buugga Mayal.


Bogga: 102 iyo 103.

Ciwaanka: Aabbo Na Baadho: Aabbahay Iyo Aniga.

Ciid wanaagsan walaalayaal.

Sidii roon Allahayoow.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...