Khilaafyada Urur-diimeedyada Ictisaam iyo Salafiya Maxaa ka dhalan kara?

0
Sunday July 10, 2022 - 09:00:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafyada Urur-diimeedyada Ictisaam iyo Salafiya Maxaa ka dhalan kara?

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxa duullaan weyn ku haya urur-diimeedka Ictisaam oo 11-kii sanno ee la soo dhaafay gacanta ku hayey maamulkeeda.



= Tan iyo markii uu khilaafku bilaabmay, waxa si toos iyo si dadban la isaga weerarayey khudbadaha jimcayaasha iyo tan ugu dambaysay ee khudbadihii Ciida. Laba wadaad oo walaallo ah ayuu mid masaajid aan jimcaha ku tukado Ictisaamka ka difaacayey, kii kalen masaajidkiisa ayuu Salafiyiinta ka difaacayey. Waxa ay ku kala tageen aragti urur-diimeed.


= Madarasadaha Ibnu Baas waxa gacanta ku haya Salafiyiinta, halka Madarasadaha Dacwa ay gacanta ku hayaan Ictisaamku. Labadan madarasadood waa kuwa ugu ardayda badan caasimadda Hargaysa. Khilaafyadooda ayaa saameyn kara haddii aan la xakameyn.


= Waxa badan doonta in Masaajidada ay kala maamulaan labada urur-diimeed lagu qabto muxaadarooyin la isku weerarayo.


= Jiritaanka dawladnimada Soomaalilaan waxa u fiican urur-diimeedka Salafiya, waayo in aan dawlad Islaam ah la ridin ayaa distoorkooda ugu mihiimsan. Ictisaamku hadday fursad helaan, xukunka iyaga ayaa markaba gacanta ku dhigaya.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...