Shiinaha Oo Sheegay In Uu Halis Ku Jiro Xidhiidhka Kala Dhexeeyo Mareykanka

0
Sunday July 10, 2022 - 08:55:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha Oo Sheegay In Uu Halis Ku Jiro Xidhiidhka Kala Dhexeeyo Mareykanka

    "balse wuxuu sheegay in dhexdhexaadnimada aysan suurtagal ahayn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"balse wuxuu sheegay in dhexdhexaadnimada aysan suurtagal ahayn"

Shiinaha ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda , Wang Li uu u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken, in xiriirka labada dal uu halis ku jiro kadib waxa uu ku tilmaamay aragtida marin habaabinta ee Xukuumadda Washington ee ku aadan Shiinaha.

 

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo kulan shan saacadood qaatay uu labada mas’uul uu ku dhexmaray dalka Indonesia halkaas uu ka socday shirka ay lahaayeen dalalka G20.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha wuxuu intaa ku daray in Mareyanka iyo iyaga ay ku heshiiyeen xoojinta xiriirka labada dalka balse uu hordhigay cabashooyin dhowr ah oo ay kamid tahay arrinta Taiwan.

 

Dhanka kale, Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay saaxibtinimada Shiinaha ee Ruushka, ka dib wadahadal uu dhiggiisa Shiinaha kula yeeshay Indonesia.

 

Mr Blinken ayaa sheegay in Shiinaha in dhexdhexaadnimo uu ka muujiyay duullaanka Ukraine, balse wuxuu sheegay in dhexdhexaadnimada aysan suurtagal ahayn marka la eego gardarrada cad ee uu wado Ruushka.

 

BBC


Loading...
Loading...