Maxay Yihiin Seddexda Cadaw Uu Qofku Ogeyn Balse Noolashiisa Saameeya?

0
Sunday July 10, 2022 - 08:48:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Yihiin Seddexda Cadaw Uu Qofku Ogeyn Balse Noolashiisa Saameeya?

    "Bani'aadam ahaan waxaan leennahay dareen noo gaar ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Bani'aadam ahaan waxaan leennahay dareen noo gaar ah"

Ma ku daashay xal u helidda dhibaato ku haysato oo aadan garaneyn qaabki aad uga bixi lahayd, dhibaatadaasi oo noolashaada saameyn xooggan ku leh.



Inta badanna waxaa dhacda inaad raacdo talooyinka khubarada ay soo jeedinayaan ee ah cunto isku dheelli tiran cun, jimicsi samee, hurdo kuugu filan seexo iwm.


Haddaba waxaa jira waxyaabo dhaqan inoo noqday oo aan si maalinla ah aan u sameyno oo aanan ogeyn iney noolasheenna saameynayaan. Arrimahaasina waxaa ka mid ah:


1.  Daawashada Barnaamijyada telefishiinnada ka baxa, Filimaanta taxanaha ah iyo Wararka

Daawashada Barnaamijyada iyo filimaanta taxanaha ah badankeen waxay noo yihiin wax aan ku madadaalno, hase yeeshee khubarda caafimaadku waxay sheegayaan iney saameyn u geysanayaan maskaxda qofka.


"Bani’aadam ahaan waxaan leennahay dareen noo gaar ah oo ay saameeyaan jilitaanka filimaanta ama ruwaayadaha sida kuwa naxdinta leh oo aan ka naxno, kuwo murugada leh oo aan la murugoonno, jilliinnada qaarkoodna waxaaba dhacda inaan la ooyno oo aan adkeysan weyno” ayuu yiri Dr Magavi.


Mararka qaarna waxyaabaha aan daawanno waxay na xusuusiyaan dhacdooyin xanuun badan oo noolasheenna soo maray sida geeri, qasaaro hantiyeed iyo amni darro.


Dareenka nooc walba leh oo kaa soo raacay daawshada filimaana iyo wixi la midka ah wuxuu kuu soo raacayaa shaqadaad, qoyskaaga iyo meel walba oo aad ku sugan tahay.


Dr Magavi wuxuu intaa ku daray markasta oo aad daawashada filim waxaad ka sii fakareysaa waxa xiga ama waxa dunida ka dhacaya ee arrintaa xiriirka la leh, marka marweliba waxaad adigu noqoneysaa qof maskaxda laga haysto oo aan xor ahayn.


"Daalka jireed iyo midka maskaxeed oo qofka halkaa ka soo gaarayana wuxuu noqonaya mid nasasho la'aan u horseedo, firfircoonidana ka lumiyo.”


Khubaradu waxaa kale oo ay sheegeen, akhrinta aan kala joogsi laheen ee buugaagta iyo daawashada filimanta dhaadheerna iney keenaan saameyn caafimaad oo ay ka mid tahay aragga oo daciifa iyo madax xanuun joogta ah.


Marka khubaradu waxay ku talinayaan haddii aad leedahay dhaqanka daawashada joogtada ah ee filimaanta ama telefishiinnada wararka inaad si joogta ah u sameysid baaritaan dhinaca maskaxda si aad uga sii gaashaamato dhibaato kuugu iman lahayd.


2. Ciyaaraha

Arrinta kale oo aan si maalinla ah u sameyno waxaa ka mid ah ciyaaraha kala duwan ee aan tamarta ugu badan ku bixinno.


"Dhaqdhaqaaq kasta oo ciyaared oo xoog loo sameeyo waxaa laga qaadaa daal badan iyo maskaxda oo furfurnaan dareento kaddibna si aad ah u shaqeyso, marki dambana qofku uu dareemo caro iyo cadaadis maskaxeed.”


Khubaradu waxay soo jeedinayaan qofka ciyaaraha jecel waxa ugu horreeya oo inuu sameeyo ay tahay waa inuu ciyaaraha uu sameynaya iyo sida uuu sameynayo uu kala xusho, si uu uga badbaado saameynta jireed iyo midda maskaxeed ee ay u geysan karto.


Xilliga aad nashada u baahan tahay aad nasataa oo aad naftaada qasbin, maadamaa cadaadiskaasi uu qofka laftiisa ku soo noqonayo inta uu ciyaarta wado iyo ciyaarta kaddib intaba.


3. Qorsheynta

Qorsheyntu waa qaabka ugu muhiimsan ee lagu habeeyo noolasha, laguna sameysto qorshayaashi noolasha lagu maareyn lahaa.


Howlaha noolasheenna waxtarka u leh sida aan u kala horreysiineynana waa inaan qorshaheenna ku qeexnaa.

Qorsheynta oo leh faa’idooyin badan haddana mararka qaar waxaa ka dhasha dhibaatooyin la halamaala oo ay ka mid yihiin cadaadis qofka ka soo food saarayo sida uu wax u qorsheeyey haddii ay wax u dhici waayaan welwelka iyo walbahaarka ku abuurmaya.


Qorshayaasha aan sameysaneyna si ay u noqdaan kuwa mira dhalana waa in qorshaha wakhti lagu saleeyaa qofkuna uu isku culeysinin qorshayaal culculus oo fulintooda uga baahanayo wakhti, kharash iyo awood dheeri ah inuu geliyo.


Si kooban marka loo dhigo qorshuhu waa inuu ahaada mid cad, sahlan, kooban, wakhti ku filan haddii la geliyana mira dhal noqon kara.


"Dad qaar wakhti badan ayey geliyaan sameynta qorshayaal ay awoodin fulintooda. Marwelibana waxay ka welwelayaan inuu qorshahan wakhtigi uu u qorsheeyey uu dib uga dhaco.”


Dhibka ugu badanna waxay dadkaasi kala kulmaan marka qorshaha uu uga hirgeli waayo sidi ay rabeen waxayna halkaa kala kulmayaan niyad jab xooggan iyo gabi ahaanba hadafki qorshahaasi ay u sameysteen iney iska tuuraan oo ay dib u eegis ku sameyn.


Qorshahana waa inuu ahaadaa mid u qaybsan mid dhow, mid dhexe iyo mid fog fulintiisana sidaa loo kala horreysiiyo.

 

BBC

Loading...
Loading...