Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Safray Dalka Eritrea

0
Saturday July 09, 2022 - 18:04:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Safray Dalka Eritrea

    "Waalidiinta qaar ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waalidiinta qaar ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho"

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd ka dhoofay garoonka Aadan Cadde isaga oo ku sii jeeda dalka Eretria, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ay ugu dirtay xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Dhalinyarada loogu qaaday tababarka Eretria, ayaa muddo dheer waxaa hareeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia.

 

Waalidiinta qaar ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho iyaga oo dalbaayay xogta la xiriira caruurtooda.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay gal gaar ah oo la xariira xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria.

 

Ilo muhiim ah ayaa u sheegay wariyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed in madaxweynaha uu raacay sarkaal ka tirsan hay’adda NISA oo si gaar ah u haaya xogta ciidanka tababarka loogu diray Eritrea.


Loading...
Loading...