Halis Caafimaad Oo Ku Soo Fool Leh Dadka Cusbada Badan Isticmaala
Dadka cuntooyinka ay u cunaan cusba badan ku dara ayaa la sheegay iney halis ugu jiraan dhimasha degdeg ah.
Natiijada Daraasadda oo lagu daabacay wargeyska 'European Heart' waxaa ka qayb qaatay in ka badan nus malyuun qof oo cusbada si joogta ah ugu dara cuntooyinka ay cunaan.
Waxayna daraasaddu sheegtay dadka cusbada badan cuntada ku darsada iney 28% ay halis ugu jiraan dhimasho degdeg ah marka loo eego dadka cusabada aan badsan ama aan isticmaalin.
Waxaa kale oo daraasaddu sheegtay dadka ay da'doodu 50 jirka iyo wixi ka sarreeya halista ay cusbada ku keento ay sii laba jibbaarmeyso.
Barafasoor Lu Qi, oo daraasaddaasi hoggaaminayey ooMareykanka ku sugan wuxuu sheegay isticmaalka cusabada oo la yareyo iney leedahay faa'idooyin caafimaad oo la taaban karo.
Guud ahaanna 3 ka mid ah boqolkii qof oo ay da'doodu u dhaxeyso 40-69 waxay cusabada badan ku keentaa geeri degdeg ah.
"Cuntooyinka aan cuneyno iney cusbo ku jirto wey wanaagsan, balse dhibka wuxuu ka imanayaa marka aan cusba badan isticmaalno taasoo keeni karto dhiig kar iyo wadna xanuun qofka asiiba," ayey Chloe MacArthur oo ah kalkaaliso sare oo ku takhasustay cudurrada wadnaha ku dhaca oo ka howlgasha dalka Britain.
Daraasadduna waxay dadku kula talineysaa iney aad uga taxaddiraan xaddiiga cusbada ay cuntooyinka ku darsanayaan si ay caafimaadkooda u ilaashadaan.
"Dowladuhu wuxuu xil ka saaran yahay iney dadka ka wacyigelinayaan cusbada badan ee cuntooyinka lagu daro caafimaad darrada ka dhalan karto," ayuu Henry Dimleby oo ah khabiir cunnooyinka ku takhasusay.
Cusbadu maxay jirka u tartaa?
Cusabadu caafimaadka jirka waxtar badan ayey u leedahay taa caksigeedana cusbada badan ee jirka gasho waxaa laga dhaxlaa caafimaad darro.
"Cuntada haddii ay cusbo ku jirin qofka wuu dhibsanayaa inuu si wanaagsan uu u qaato carrabkana macaanka cuntada ma daremayo hase yeeshee cusbada badan dhanka caafimaadka laguma ammaanin." ayuu yiri Barafasoor Yihune Ayele oo Jaamacadda Dillaa wax ka dhiga takhasuskiisana yahay cuntooyinka caafimaadka qaba.
Cusbada waxaa ku jirta maaddada Sodium.
Sodium haddii uu jirka ku batana wuxuu keenaa iney biya badan ay galaan
xididdada dhiigga wada.
Haddii xididdada dhiigga wada ay biya badan galaan waxaa halkaasi ka dhalanaya dhiig kar maadaamaa socodkii caafimaadka qabay ee dhiigga uu sodium-ka jirka ku batay uu khalkhal galinayo.
Dhiig karka dhibaatada uu leeyahay waan ka wada dharagsannahay waxana ka mid ah qofka oo madaxa ama wadnaha dhiig uga murmo, faalug (qofka oo dhinaca qallalo) iyo caafimaad darro soo wajahdo kalliyaha iyo wadnaha.
Hay'adda Caafimaadka Addunkana ee WHO waxay sheegeysaa qofka qaangaarka ah inuu maalinti isticmaalo wax aan ka badneen 5 garaam oo cusbo ah.
Bulshooyinka kala duwan cusbada waxay ku daraan cunta kasta oo ay karsadan iyaga oo aan u aaba yeelin xaddiga cusbada ay isticmaalayaan iyo dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta intaba.
Waxayna Khubaradu ku talinayaan inaan aad u yareyno cusabada aan maalinti isticmaalno si cudurrada cusbada ka dhalan lahaa aan uga gaashaamanno.
BBC