Hal Baan Qalayaa Qoorta Ii Qabo ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday June 05, 2019 - 10:55:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal Baan Qalayaa Qoorta Ii Qabo ( Abdi-Shotaly).

    Toobiye weeyaan, ta lagu tis-qaadee, maxaad taqaan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toobiye weeyaan, ta lagu tis-qaadee, maxaad taqaan?

Taladi seegtoo luntay Ayaad taqaan, talaabsan waydoo dhacday, turuntu-rootoo kuftay tay, ayaad taqaan, ee Maxaad taqaan?. jawaabtu waxa weeye waxay taqaan, Qabyaalad reer hebel ku ceesh ah, hadana durbaan been ah loo garaacaayo ummadda, hasa-yeeshee lagu xoogsado, ahna hambad iyo wax aan sal iyo raad lahayn, ma jirto wax dawlad la yidhaahaa, ee waa qawlaysato is urursatay.  oo ay ku magacaabeen garanimo, hoosta ka qalaalan. ku shaqeeya kala xabaadh siddii xoolaha, oo inba meel ku xaree, kala qaybi oo xukun, boob oo faraqa buuxso, xaq darro ku xidh, ka ku xigaawuxuu doono ha sameeyo, ee yaan juuq loo odhan, in gaar ahna ha la juuq dhawro, reer hebel la colaw, sidaan doono aan yeelo iyo meeshii oo xero askareed noqotay, waxa keliya ee lagu hayaa ay tahay " Digtoonaw, dig, debci, dib u jeeso, horey soco, iyo ha iga hor iman" tani way kala yaacday, oo afarta jiho bay u kala dareertay, waxa la inoogu sheegayo maamul xagee buu ka jiraa? Oo bal ummad yahay loo raad raacaa?  Ma waxan labadda askari, ee dhegaha go'ani siidhiga u afuufayaan, baynu ku sheegi karnaa Maamul? Iska daa dawlad iyo qaranimo wax la yidhaaho'e amauba eege? Bal in aanay wax-ba hayn,  xataa diintii bay ku tunteen, waxay yidhaaheen, waa in hoos loo dhigaa Eedaanka Salaadda, Mikinisad-na way samaynayaan? Saw midh Subxaana-laahi laga qabsado maaha? Waxa markaa ka sugaysaan waa maxay ee idiin hadhay?

 

Waxa meesha ka dhacay, waa " Hal baan qalayaa qoorta ii qabo".  ee miyaan ka yeelaa ummad yahay? Ilayn waxa taagan sheekaddii ahayd " wanka macasha ii qabo, adigu gawrac ii mari, dhiigana an muudsado", Duulka Meesha isku bahaystay, ma yaqanaan ereyga la yidhaaho ceeb, ee way ku xaragoodaan. Aduunka sheeko iyo shaahid laguma sheegin, lamana arag, mana dhicin, dibna loo fili mayo in ay soo marto Jeegaan wax doojisaa. magaca dheel-dheel uma baxee, markii Jeegaanta loo bixiyey, baa laga sii cawdu-bilaystay, oo la ogaa in aanay wax-ba soo wadin, wax ay baabi'iso mooyaane, jeegaantu waa ta roob da'aaya marka ay ku dhalato, isla miridh-kiiba la waayo ee kala gaxaysa fadad-kiisii is haystay, ee baabah ka yeesha. Hadaba akhristaw, sidda ay daruurta u kala eridda, oo roobka u laacdo, bay tan ( waa jeeganta'e) Hargaysa ka shimbiro waaqlaysaa, ay iyana fitig-faatig u googoysay dalkii, oo iniba gees u qaxday, wax-bana kama gelin wixii burburaaya, been-tiina isi soo gabaty, oo waad arkayseen, in Kiiniya lagula shirey Xusbiyadda Mucaaridka ah, ee ku ab-tirsadad waxa ay ku sheegaan Somaliya, akhristaw aad baan ugu faraxay markii ay Itoobiya ka saartay khariiradda aduunka, waayo wax somaliya la yidhahaa ma jiro, ee maamulka mareexaanka iyo murursadaha, baa iyana loogu sheegaa dawlad.

 

Waad la socotaan, Intii ugu dambaysay waa kuwaa ka baxay Maamulka askarta ee  " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan" waa Goboladdii ugu weynaa ee bariye, sidda Sanaag, Sool, Cayn, Awdal, 70% Gobolka Togheer, Selel oo gebi ahaan-ba Jabuuti u gacan gashay iyo weliba daba dhilif-yadda cad-quudheedka loo tuuro, ee ka oriya Xaafad-tooyadda, Waxa intaas ku hoos naban isna oo laga quudiyaa Faysal Zaad, oo hoos yimaadda, kuna shaqeeya amarka laga siiyo Ururka Qudhmiye. Akhristaw dhamaan waxa Meesha shurbay-nayaa, siddii dugaag maroodi bakhtaiya helay, waa isma dhaanto iyo dhasheed garab rarato ah, kuwa dadka qaarkii ugu sacab tumayaan qaab beelaysan, laakiin aan ogayn khasaara-hoodda, ee maamulku waa beesha-yadda u daba ordaaya, hadana doonaaya in ay dadka ku maalaan dawlad wax la yidhaaho baa jira, oo huf iyo been ah, waa laga soo hor iyo daba ka wareegay, in ay meel madhan tahay, wax alaale wax ay garana-yaan ama xeeri-nayaan, ka xishoona-yaana lama hayo, caqliga ku jiraa waa dhabaqso kuu soo gashaye oo keliya, iyaka oo  dhex dabaala-naaya dhooqo iyo duufaan isku kacsan, bay hadana ku tilaama-yaan dad aan shuqul ku lahayn, ha-yeeshee imika uun bay xeegaddii hoos-toodda timi, goorta ay ilkaha ka daadin doon-taana ma foga.

* N.B Taladi Seegtoo Luntay Ayaad Taqaan, 

Qore:- Abdi-shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...