Fariintaan waxey ku socotaa gabdhaha muslimiinta ah ee soomaaliyeed:-

0
Friday July 08, 2022 - 14:13:23 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fariintaan waxey ku socotaa gabdhaha muslimiinta ah ee soomaaliyeed:-

    ka xannibo ama tahli kari waaya camalkii wanaagsanaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ka xannibo ama tahli kari waaya camalkii wanaagsanaa

Sidee ayey gabadhu ugu faa'ideysaneysaa maalmaha fadliga badan sida maalinta carafo oo ah maalinta jimcaha iyadoo jirto cudurdaar ?

1- Horta ogow cudurdaarkaagan Alle weyne murti iyo xikmad xeeldheer ayuu kusoo dejiyey khayrka oo dhamina waxa uu ku jiraa waxa Alle xukumay.


2- Ogow oo sharcigeena suubban waxa uu caddeeyay in qofka camal wanaagsan u tafo xayta ee cudurdaar

 ka xannibo ama tahli kari waaya camalkii wanaagsanaa in loo qorayo ajarkiisii oo aan laga dayacayn'
waxa uu Suubanuhu yidhi N.N.K.H " Haddii adoonku xanuunsado ama bukoodo waxa loo qorayaa wixii camal ah ee uu qaban jiray marka uu caafimaad qabo ama negi yahay" waxa kale oo ka sugan " Magaalada

 madiinah waxa ahaaday rag aanay jirin wado aan goysaan ama tog aad ka talowdaan illaa ajarka waa ay idinla wadaagayaan waayo waxa idinka reebay xanuun ama cudurdaar" waxa labada xadiisba soo saaray Imaam Al Bukhaari waxa kale oo uu Imaam Al Muslim soo saaray xadiis uu Suubanuhu leeyahay "Qofka Alle weydiista Shahaado waxa loo qoraa ajarkii shahiidka walow haba ku naf baxo furaashkiisee".

3- Ogow oo haddii aanay kuu bannaanayn in aad salaad u istaagto waxa jiro acmaal wanaagsan oo ku gaadhsiinka fadli aad u sarreeya sida : Xuska Alle , baryada Alle, sadaqada, wacdi dhegaysiga, tawbadda, xidhiidhinta qaraabada, barashada sifooyinka Alle iyo wanaagyadiisa, barashada siiraddii Suubanaha N.N.K.H iyo cibaadooyinka faraha badan ee kale kuwaas oo dhamaantood ajarkoodu kuu dheeryihiin fadligii salaadda iyo soonka ee cudurdaarku kaa hor istaagay

ufiirso aayaddan uu Alle kaga waramayo saxaabadii baahanaa ee niyadda ka jeclaa in ay jihaadka u baxaan oo ilmaynaya markii ay waayeen gaadiid ay raacaan oo Nebiga n.n.k.h ugu gargaaraan oo Alle abaalkooda uu xusay :

‏قال الله تعالى [ولاَ عَلَى الَّذِينَ إِذَا مَا أَتَوْكَ لِتَحْمِلَهُمْ قُلْتَ لاَ أَجِدُ مَا أَحْمِلُكُمْ عَلَيْهِ تَوَلَّواْ وَّأَعْيُنُهُمْ تَفِيضُ مِنَ الدَّمْعِ حَزَناً أَلاَّ يَجِدُواْ مَا يُنفِقُونَ]
U fiirso oo Alle weyne waxa uu ka ajarsiiyay ka murugoodkaa ay ka murugoodeen in ay tahli kari waayeen gaadiid ay fadliga jihaadka ku gaadhaan.

4- waddooyinka khayrku way badan yihiin ha yaraysan wixii camal wanaagsan ah, Allena talo saaro niyadana ku hay in aan Alle weyne dayacayn camal wanaagsan oo uu addoonkiisu la yimid.

Sh Sharmaarke Bukhaarif
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...