DAGAALKA EREY BIXINAHA.

0
Friday July 08, 2022 - 14:07:39 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAGAALKA EREY BIXINAHA.

    Haddaba aynu soo qaadano erey bixinaha waayaheenan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba aynu soo qaadano erey bixinaha waayaheenan

Asc, sida aynu wada ognahay dagaalladu qaybo badan ayay leeyihiin waxaana kamida dagaalka erey bixinta oo ahna dagaallada waayaheenan ugu mudan.

Marka laga hadlayo dagaal badanaa waxaa maskaxdeena kusoo deg-dega laba shakhsi ama laba ciidan oo inta ay is galaan waxba isugula hadhin oo iska rifa, lkn waayahan waxaa waa laga baxay oo waxa socda dagaalka erey bixinaha iyo afkaaraha, dagaalkaasina laba cid uunbuu u dhexayn kolbana ciddii dadaaasha ayaa ku guulaysanaysa waxaanay u muuqataa ama waa sida ay tahaye in dagaalkaas laynagaga adkaaday.


Haddaba aynu soo qaadano erey bixinaha waayaheenan laynagu addoonsado,

1- Inuu qofku diintiisa ku astaysnaado ay ka muuqato waxa waayahan loo yaqaana laab jaahilnimo.

2- In ay inantu jidhkeeda iyo cawradeeda garsato oo ay is asturto, waxa waayahan loo yaqaannaa dib u dhac

 iyo iyo qof foolxun oo fool xumadiisa qarsanaya.

3- Inuu qofku diintiisa ku dhaganaado uu muslim saafiya ahaado waxa waayadan loo yaqaanaa xagjir.

4- Waxaa la yaqaanay gaalo aynu waligeenba is haynay waxa waayahan loo bixiyay magac qurxoon oo ah caddaan.

5- jihaadkii waxaa lagu badalay argagaxiso.

6- Sinadii waxaa lagu badalay xidhiidhka diiran العلاقات الحميمة.

7- Khalwadii ay diinteennu inoo diiday waxaa loo badalay magac qurxoon oo ah is dhex galka bulshada,

 odayaal iyo isaalama toona in aan meel laysugu xeraynayana waynu ognahay ee waxa laysla doonayaa waa dhalinta.

8- Aflagaadaynta iyo meel kaga dhicista cidda kale waxaa loo bixiyay xorriyatul qawl.

9- Dawladaha gaalada waxaa lagu badalay Dawladaha horumaray.

10- Dawladaha kiristanka waxaa lagu badalay Dawladaha reer galbeedka.

11- Ka fogaanshaha diinta waxaa lagu badalay reer magaalnimo.

12- Marin habaabinta dadka iyo in macnihii rasmiga ahaa ee arrin samaynayay laga duwo waxa loo bixiyay

 xuquuq, xuquuqda caynkan ah ayaanu u doodaynaa iyadoo oo aan haddana la arkayn ciddaa la leeyahay waa loo doodayaa meel magacooda wax lagu cunayo mooyaane meel mid ka mida bariis loogu qaadayo.

WQ/ Cumar rashiid mahadsanidiin

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...