Maxaabiistii Puntland & bahdilaadii Qaranka Somaliland by Amir Bidde

0
Wednesday June 05, 2019 - 10:38:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiistii Puntland & bahdilaadii Qaranka Somaliland by Amir Bidde

    Waxa la sii daayaay 14 askari oo cadowga laga qabtay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la sii daayaay 14 askari oo cadowga laga qabtay,
mararkii ay Puntland weerarada gardarrada ah ku soo qaadaysay dhulka Somaliland, gaar ahaan tuulada yar ee Tukaraq.

Maxaabiis dagaal waa la sii dayn karaa dano siyaasadeed darteed ama iyadoo lagu beddelanayo askar  lagaa hayo. 


Waxaase ceeb ku ah Qaranka iyo haykalka dawladnimo in maamuus wayn loo sameeyo, askar shisheeye oo iyagoo hubaysan soo weerartay dalkaaga. Weeraradaana ay ku dhinteen rag dalka difaacay, qaarna ku dhaawacmeen kuna laxaad beeleen.

Waxaa la yaab leh in dawladdii oo DHAN sida wasiirada ugu muhiimsan qaranka iyo jananadii ciidamada kala duwan ee dalka, xataa madaxwayne ku xigeenkii ay sii galbiyaan 14 askari ee Puntland oo ay madaarka ka ambabixiyaan. Sidii wax ay yihiin wafdi culus oo Somaliland soo booqday oo dal muhiima ka yimid oo wax wayna inna taray.

Arrintan waxay meel ka dhac wayn iyo qaran jab ku tahay dalkeena. Waxay ciil iyo murugo ku tahay carruurtii ku agoomowday weerarradii nimankani soo qaadeen. Waxay xanuun ku tahay askartii Somaliland ee ku laxaad beelay dagaaladaa ee iskaa daa wax loo qabtee, aanu weli isasoo kortaagin nin xukuumadda magac ku lihi.

Waxay niyad jab ku tahay kuwa weli jiidda hore gaadhka ka ah ee dalka difaacaya.
Waxa meesha ka caddaatay in gadhwadeenka Somaliland yahay geeljire aan siyaasadda dunida iyo xurmaynta qaranka waxba ka garanayn. Dadkaa aan dunida waxba kala socon, masuuliyadda ka saaran (ciidanka) qarankana jaahil ka ah ayaynu innaguna inay dalka aqoonsi u keenaan ka sugaynaaa!!!  Waa kaaf iyo kala dheeri.
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde
Hargaysa 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...