Xaafada Sheekh Nuur (Kilalka) Xaafad Ka Aradan Adeegyada Dawladu Bixiso

0
Thursday July 07, 2022 - 15:52:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaafada Sheekh Nuur (Kilalka) Xaafad Ka Aradan Adeegyada Dawladu Bixiso

    W:Q: Aqoonyahan Abdirahman Mohamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W:Q: Aqoonyahan Abdirahman Mohamed

Halkani waa xaafada Sheekh Nuur (kilalka). Waa xaafad aan odhan karo waa nambar kaw  ama laba xaafadaha ugu dadka badan degmooyinka caasimada guud ahaan iyo degmada ay ku taal oo Gacan Libaax iyo Macalin Haaruun labadaba gasha gaar ahaan.



 Baaxada xaafadani waxaan ku cadaynayaa waa xaafada kaliya ee ay 4 bas usoo baxaan iyo mid iyada kasii dhex baxa oo taga xaafada Magaalo Jimcaale ee buuraha Hargaysi ku caanka tahay ee Naasa Hablood u dhaw.

4 taa bas ee aan soo sheegay 2 suuqa hoose ayay kasoo baxaan 2 na xaafada Idaacada ayay kasoo baxaan.

Taasi waxay cadayn buuxda u tahay baaxada dhuleed iyo bulsho ee xaafada.


Xaafadani gabi ahaanba waa xaafad ka aradan adeegyada aas aasiga ah nolosha ee dawladi bixiso.

Waa ta koobaade biyo la'aanta. Taasna kama cawdaanoo Hargeisadaa kale ee bilaa biyaha ah uunbay laqabaan.


Waa talabaade xaafada bulshada intaa leeg ku nooshahay  hal dugsi primary ah ayay leedahay Secondaryna haba sheegin oo ardayda xaafadu waxay buux dhaafiyeen iskuulada Gacan Libaah, Biyo Dhacay iyo 26 June waa dugsiyada dawliga ah xaga private kana iskuulada kale.


Ta saddexaad waa waddo iyo Biriish. Xaafadani waxaa halka laga galo kuyaala doox wayn oo muddo hore biriish yar oo aad loogu danqabay ku yaalay. Biriishkaasina wuu aasmay kadib markii uu wax daryeela ka waayay bulshada degen iyo dawlada Hoose labadoodaba.


Afartii sanee u dambeeyay bulshada iyo gaadiidkuba dhibaato aad u wayn ayay ku qabaan markasta oo roob da'o oo dooxaasi soo rogmadaba. Waxaanay ku qaadadataa gaadiidka iyo dadka lugaynayaba inay saacado dul taagnaadaan inta biyaha Dooxa maraya ay yaraanayaan.


Hadaba waxba yaanan hadal idinku daaline maayar Cabdi kariin Ahmed Mooge halkii uu kusoo gabagabeeyay ololihiisii doorashada xaafadan iyada ah ayay ahayd taasoo ku tusaysa ahmiyadeeda codeed iyo baahideeda oo uu aad markaa uga garaabay.


Waxaana uu markaa maayarku balan qaaday inuu wadadaa iyo biriishkaba waxqabadka koobaad ka dhigan doono.


Ma dhaliilayo waxqabadka maayarka iyo golihiisaba oo si fiicanbay u shaqaynayaan laakiin waxaan dareemayaa ahmiyad siin la'aan iyo mudnaan siin la'aanta waddo gabigeeduba 2.5 KM ah xaga idaacada iyo ta xaga suuqa oon iyana 3.5 KM ah.


Waxaan arkaa maalinkasta waddo ay dawladda Hoose waddo ama dhamaysay oo ay 95% ka muhiimsantahay wadada xaafadani.

Waxaanan is idhaa talaw goorma wadadan iyo biriishkan iyana loosoo jeedsan.


Guntii iyo gunaanadkii xaafadda lafteeda waxa ishaa u yeelay waa guddi xummo iyo maamul aan himilo iyo hiigsi midna lahayn kuwaasi oo aan u hagar bixin mataalada xaafada iyo waliba soo badhigida baahida xaafada madalaha lagu gorfeeyo qorshaynta iyo horurmarinta xaafadaha ee xaga dawlada.


Waxaan ugu baaqayaa dawladda Hoose inaanay xaafadu intaa inkabadan u dul qaadan karin isha ka lalinta iyo dayacaada xaafadan ka jirta intan in kabadan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...