Maxaa laysugu khilaafaa curashada ciidda Waxa soo tarjumay: C/raxmaan Hayaan

0
Wednesday June 05, 2019 - 10:31:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa laysugu khilaafaa curashada ciidda Waxa soo tarjumay: C/raxmaan Hayaan

    Waxa mar kasta dhacda in khilaaf ka dhex dhasho dawladaha muslinka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa mar kasta dhacda in khilaaf ka dhex dhasho dawladaha muslinka ah marka ay timaaddo curashada bisha Hijriga ah, siiba marka ay noqoto bilashada Rabadaanta iyo malalinta ciidda  ama Xajka  oo ay dadku u wada dhug leeyihiin  lana wada socdaan.



Sannadkan  haddaba waxa dhacaysa in qaar ka mid ah dalalka muslinka aanay suurtagal u ahayn inay arkaan bisha. Bal aynu haddaba yara iftiiminno innaga oo maskaxda ku haynna in cadceeddu meel  taagantahay oo aanay dhaqdhaqaaqin halka Dayaxuna iyada ku wareego.

 

Dhalashada Bisha.

Bilashada bisha Hijriga ahi waxay bilaabantaa isla marka uu dayaxu ka soo ag muuqdo cadceedda isaga oo ku guda jira wareeggiisii uu dhulka ku wareegayay. Taasi waxay la macno tahay marka uu ku beeganyahay cadceedda suurta gal maaha in la arkaa waayo nuurka cadceedda ayaa shiiqiya. Laakiin dadka cilmi falagga yaqaannaa si fiican oo aan surma seegto lahayn ayay taa u xisaabin karaan.


Haddaba wareegga dayaxa iyo bisha Hijrigu waa laba shay oo kala duwan. Wareegga dayaxu waxa uu ku xadaysanyahay marka  cadceedda iyo dayaxu ku kulmaan samada, halka dhalashada bishuna astaanteedu tahay soo muuqashada dayaxa kadiba kulanka cadceedda iyo dayaxa.


Haddaba sannadkan xilliga ay isku beegmeen waxa ay ahayd  13:02saacadda Hargeisa ama GMT+3, duhurnimo maalintii Ramadaan 29 ahayd.  Soo bixitaanka ama soo muuqashada ugu horraysa ee bishuna waxay noqonaysay lix saacadood kadib, taasoo macneheedu noqonayo in Dayaxu aanu in badan ka fogaan iftiinka cadceedda ee qarinayay, isaga oo soo jeedayay oo kaliya daqiiqado kooban marka ay cadceeddu dhacdo( oo noqonaysa ku dhawaad 5 daqiiqadood).


Muranka ciidda

Haddaba muranka ugu badan ee maalmahan ciidda dhacaa waxa uu ka dhashaa laba arrimood, waa ta horee marnaba suurtagal maaha in la  arko dayaxa oo iftiinkiisu aad u yaryahay oo 0.1% ka ah iftiinkiisii guud, ama indho ha lagu eego ama ha lagu eego weynayso(Telescope). Waayo waxa uu aad ugu dhow yahay ileyska cadceedda iyada ayaana shiiqisay.


Dhanka kale waxa xaqiiqo ah in bishii Hijriga ahayd bilaabantay, sababta oo ah dayaxu waxa uu uu samada ku sii hadhay kadib makii cadceeddu dhacday, wakhtiga uu sii joogay haba yaraadee, balse cilmi falag ahaan waxa loo xisaabinayaa in si rasmi ah u bilaabantay bishii Hijrigu.


Sidaas ayay ciiddu ku noqotay sannadkan 4 June. Hase ahaatee haddii lagu xisaabtamo indhuhu waxa ay arkaan oo aan la tix galin xisaabtaa cilmi falagga ciiddu waxa ay ku dhacaysa malainta salaasada ee 5 June. 2019., iyada oo Rabadaanna ku dhammaanaysa 30.


Sida ay sheegeen culimada cilmi falaggu marka suurtagal ma ahayn in  la arko curashad bisha shuwaal xataa haddii la adeegsado weynayso( Telesocope), ama xataa tiknoolajiyad ka sarraysa taa.


Sidaa awgeed qolooyinka ku qancay in bishu cadceedda in yar ka danbaysay balse aanay suurtal ahayn in la arko  ama haddaynu si kale u nidhaahno ku qancay xisaabaha cilmi falagga ee sheegaya in bisha ay suurgal ahayn in laga arki karayay meelo ka mid ah caalamka, waxay ku ciideen in Ramadan ku dhammaatay 29 habeen, salaasaduna u ahayd maalintii u horraysay ee ay ciidayaan.


Halkaa waxaynu ka qaadanaynnaa in Nabigu NNKHA xadiiskii sheegayay curashada bisha Rabadaan ee ku yidhi. (Bisha Rabadaan aragtina ku sooma aragtina ku fura, haddii dayaxu idinka qarsoomo bisha Shabcaan 30keeda dhammaystira) uu ahaa xalka ugu wanaagsan ee lagu furdaamin karo. Iyo ta kale oo ah sababta loo banneeyay in bishu marna 29 noqon karto marna 30 aya tahay isla xisaabtaa aynu soo sheegnay ee ku dhsan cilmi falagga iyo qarsoonka dayaxa marka uu cadceedda la kulmo dhicintaankiisuna in yar ka danbeeyo.


Haddaba waxa iska cad in muranka soo noqnoqonaya ee ku saabsan maalmaha bilashada bisha Rabadaan ama ciidda ama Xajka, in uu salka ku hayo sida loo fahmayo Cilmi xisaabeedka falagga iyo nusuusta diiniga ah ee soo aroortay, waana meel ay ka furantahay is aqoon weydaarsi badan oo jilbaha lays daro, si fiicanna looga faalloodo.

Waxa soo tarjumay C/raxmaan Hayaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...