Wariye Ka Waramay Maalintii Uu Joojiyay Cunista Jaadka

0
Thursday July 07, 2022 - 09:28:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Ka Waramay Maalintii Uu Joojiyay Cunista Jaadka

    Waxan Qirayaa Oo Cadaynteediina Hayaa Inaan Faa.iido

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan Qirayaa Oo Cadaynteediina Hayaa Inaan Faa.iido

Markii Jaad Cunista Joojinteeda Alle Igu Garab Galay Waxa Kasoo Wareegtay 8 Sano Iyo Bilo Waxaanay Taariikdu Aheyd 28.01.2015.



Muuqaalka Sawiradani Waa 14.08.2013 Maalin Aan Kaligay Geed Hoostii Ku Qayilay Oo Ku Mirqaamay Geedkaas Oo Kuyaala Inta Udhaxaysa Tuulooyinka Karsharka Iyo Qoyta Ee Jidka Isku Xidha Berbera Iyo Burco.


Sidaad Arkaysaa Dacsadihii Gaadhiga Ayaan Gogol Ahaan U Isticmaalay Oo Ku Fadhiistay Waxaana Sababayay Tixgalinta Iyo Xiise Aan Jaad Cunista Uqabay Xiligaas Hadana Iigama Duwana Xashiishka La Qubo Ilaahay Ayaan Ugu Mahad Naqayaa Inuu Iga Madoobeeyay Balwad Aan Mudo Soo Isticmaalayay Oo Aan Faa.iido Lahayn Khasaare Mooyaane.


Jaadku Wuxu Keeenaa Caafimaad Daro Iyo Shilinkaad Xoogsatay Oo Aad Gubto.Wakhtigaad  Cibadaysan Lahayd Aad Ka Wahsato Iyo Dantaadii Aad Ka Caajisto. Allahu Akbar.


Waxan Qirayaa Oo Cadaynteediina Hayaa Inaan Faa.iido Aduun Iyo Mid Aakhiroba Ka Gaadhay Joojintii Jaadka.


Waxan Caawa Halkan Uga Ducaynayaa Saaxiibadaydii Aanu Wada Qayil Jirnay Ee Ilaa Hada Fadhiya In Ilaahay Uga Nimceeyo Kuna Ilhaamiyo Inay Iska Joojiyaan Geedkaa Hawsha Bada.


Waxa Jira Waayo Badan Jaadku Ila Soo Maray Aan Doonayo Inaan Qoraalo Iyo Qormooyin Ka Sameeyo Hadii Alle Yidhaa.


Sawiradan Waxan Ka Helay Hard Desk Aan Waagaas Ku Shaqayn Jiray.


Mohamed Abdillah Soofadhiiste

Berbera Somaliland.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...