Akhriso, Ku Khasaari Meysid! Waan Hubaa Taa !

0
Thursday July 07, 2022 - 09:09:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso, Ku Khasaari Meysid! Waan Hubaa Taa !

    yidhi " Waynu dhalannay si aynu u marno marxalado kala duwan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

yidhi " Waynu dhalannay si aynu u marno marxalado kala duwan"

Xoogga, tamarta iyo awoooddaha jidheed ee nooluhu ma waaraan. Waxa ay leeyihiin bilaw, ka dib waxa ay gaadhaan heer dhammeystirnaan ah, intaa ka dibna waxa bilawda hoos u dhac, tamaryaraan iyo qaloocsan ku yimaadda lafaha jidhka aadanaha.



Saddexdan marxaladood, waa heerarka kala duwan ee aadanaha iyo dhammaan  nooluhu wada maraan inta ay ku gudo jiraan meertada nolosha, waana macnaha ay innoo tilmaamaso aayada 54aad ee suurada Ruum.


Waa halka uu rasuulku (scw) ka yidhi isaga oo ka hadlaya marxalado ay tahay in aad looga faa'iideysto inta aanay iman xaalado kale  "Shan uga faa'iideyso , shan kale hortood, ....... dhallinyaranimadaada ka hor intaanad gaboobin ....... ".


Nin murti reebay baa yidhi " Marka aad da' yar tahay, waxa aad haysataa tamar iyo wakhti , balse ma haysatid lacag. Marka aad shaqo tag noqotana, waxaad haysataa lacag iyo tamar balse ma haysatid wakhti , marka aad gabowdana, waxa aad haysataa lacag iyo wakhti, balse tamar aad wax ku qabsataa ma jirto".


Waxaad tahay miskiin, waana sidaa arinku, aqbal wixii tagay, hana ka qoomammayn, waxa taagan ku maamul kalsooni, hana dayicin fursadaha, waxa soo socdana ku qaabil dhiiranaan iyo cabsi la'aan, diirtuba wax ay luuddaba, ugu dambeyn waxa ay noqotaa balanbaalis hawada duusha.


Laila Gifty Akita, waxa ay tiri " Marxalad kasta oo ka mid ah marxaladaha meertada noloshu waxa ay leedahay qiimo u gaar ah".


Euginia Herlihy, waxa uu isna yidhi " Waynu dhalannay si aynu u marno marxalado kala duwan, sidaasi oo kalena himilooyinkeennu waa in ay iyaguna marxalado kala duwan soo maraan".


Yaa miskiin, ha daalin, hana quusan, waana halkii fannaan Faala Dagan e 'kac kuf oo haddana kac'. Horta muxuu lahaa fannaankani?  Kac waan ka sii xasuustaa in ay ku jirtay hadalkiisa.


••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••

Dulucda qoraalka

Marxalad walba oo aad ku sugan tahay, waxa jira fursado aad haysato, marna ha dayicin, uga faa'iideyso sida ugu habboon, ogowna adduunyadu waxa ay ku jirtaa tartan.

Barakoow oo guuleyso mudane / marwo

Macalin Farhan

063 4463 055

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...