Isdiidooyinka Xeerka Iyo Rabitaanada Shaqsiga ah

0
Thursday July 07, 2022 - 08:24:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isdiidooyinka Xeerka Iyo Rabitaanada Shaqsiga ah

    Garyaqaan. Yuusuf Biixi "Talasame".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaan. Yuusuf Biixi "Talasame".

Wada Hadalkasta Oo Ku Dhisan Dano Shaqsiyadeed oo gaar ah, in la sameeyo, waxaan aaminsanahay inaanay waxaba ka badalaynin qodobada sharci Ee awooda u siinaya Komishanka Doorashooyinku Inay cayimaan maalinta Doorashadu dhacayso iyo siday u kala horaynaysaba, Si Waafaqsan xeerarka doorashooyinka, Qodobadka.6aad Ee Xeer Lr.14.2011 Xeerka Diwangalinta Ururada siyaasada iyo Asxaabta Qaranka iyo Qodobka.16aad Ee Xeer Lr.91.2020 Xeerka Doorashooyinka Guud Ee Qaranka JSL.



Waxii Intaas Ka Baxsan Ee ay Daneeyayaashu Ku Heshiiyaan Waxay Noqonayaan Farogalin Lagu Samaynayo Masuuliyadii iyo Waajibaadkii Guddida doorashooyinka Qaranka Isla Markaana Lagu Wiiqayo Madaxbanaanidii GDQ, Waxaanuu Noqonayaa Heshiis ama is afgarad aan Sharci Ku Dhisnayn.


Xeerarku madaxwaynahana masuuliyad sharci ayay saareen asxaabta siyaasadana masuuliyado sharci ayay saareen, golayaasha kala duwan ee qarankana sidaas si la mid ah, markaas waxa qudha ee laga heshiinkaraa waa waxii aan xeer jidaynin, balse waxii xeer jideeyey waa lama taabtaan cidii dood ka qabtana waxaa u furan haayadaha garsoorka ee awooda u leh.


Xaqsoore Waa Alle.

Garyaqaan. Yuusuf Biixi "Talasame".

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...