Gubashada Kaymaleyda Daalo

0
Wednesday July 06, 2022 - 09:45:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gubashada Kaymaleyda Daalo

    Ahmed Ibrahim Awale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ahmed Ibrahim Awale

Dab aan baaxaddiisa beryahan hore loo arag ayaa ka qarxay kaymaleyda Daalo. Dabkaasi waxa uu durba shufbeel ka dhigay dhul aad u baaxad weyn.



Daalo iyo guud-ahaan buuraleyda Cal Madow waxa ay ka mid yihiin degaanno hodan ku ah dhir-gooniyaad tiro badan oo aan meel kale oo adduunka laga helin. La-yaabna ma laha in culimo caalami ah oo dhir-aqoon ahi ay u doodaan in degaannadaas lagu daro liiska goobaha dabiiciga ah ee dhaxalka aadane (world heritage natural site), isla markaana aad loogu baahan yahay dhowristooda.


Daalo waxa ay u baahan tahay gurmad qaran. Muuqaallada buurta Daalo waxa aan arkaa in ay ku sharraxan yihiin Qasriga Madaxtooyada Somaliland iyo goobo kale oo lagu muujiyo bilicda dhulkeenna. 


Maanta oo kale waa maalintii la is-weyddiin lahaa maxaynu degaanka ku celinaa! Markan oo kale adduunweynaha waxa gurmada ciidanka qaranka, waxana is abaabula diraneyaal iyo u-heellaneyaal degaan oo bulshada ka mid ah.


Ahmed Ibrahim Awale

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...