Aabbo Na Baadho: Aabbahay Iyo Aniga.

0
Wednesday July 06, 2022 - 09:39:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabbo Na Baadho: Aabbahay Iyo Aniga.

    Sidii roon Allahayoow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidii roon Allahayoow.

26. 12. 2018, habeen Jimce ah, ayaan la soo hadlay aabbahay. Waa laba toddobaad ka hor habeenkaan xafladda ku qabtay Maansoor Hotel. Waxa aan u sheegay in aan gabay cusub curiyay. Dabadeedna waxa uu jeclaystay in aan gabayga u mariyo.  Waxa aan uga akhriyay tilifoonkii aannu ku wada hadlaynay. Gabaygu waa Hirgal. Aabbo wax dhalliil ah iiguma sheegin, inuu se gabaygu dawladda meelo ka mid ah uu duraayo buu afka ku dhuftay. Waxa se uu xusay in aan talo iyo hoga-tusaalayn labadaba isugu daray. Waxa uu ku sii ladhay in kolba sida ay u qaataan ee ay u fahmaanna uu u noqon doono. Aabbo in aan xaflad qabanayo uma sheegin habeenkaas. Sidii ayaannu tilifoonka ku kala dhignay. Waxa aan ogaa haddii aan aabbahay ku idhaahdo, ''Xaflad baan qabanayaa aan ku soo bandhigayo gabaygan iyo gabaygii Mayal,'' oo aan hore u la wadaagay, in uu su’aalo badan iga weyddiinaayo, suurtogelna ay noqon karto in uu iga yeeli waayo oo culayska uu i saaro dartii aan u joojiyo. Sidaa darteed, waxa aan garanaayay marka aan idhaahdo, ‘‘Gabay cusub baan sameeyay,’’ in uu odhan doono, ‘‘Bal mari gabayga.’’ Waxa ay iga ahayd in aan ku tijaabiyo gabayga bal waxa uu yidhaahdo, oo aan aragtida uu ka qabo horta ogaado.



Shan ama lix cisho kadib aniga oo aan weli u sheegin xafladda aan qabanaayo aabbahay, ayaa uu igala soo hadlay goor cawaysnimo ah tilifoonkayga gacanta. Meel iyo cid uu ka maqlay garan maayo ee xafladda ayaa uu i weyddiiyay in ay jirto. ‘‘Haa, way jirtaa,’’ baan ku idhi. ‘‘Oo yaa kugula jira?’’ ayaa uu haddana i su’aalay. Waxa aan ugu jawaabay, ‘‘Cidna. Waa keligay,’’ ‘‘Cabdillaahi Xasan-Ganey miyaanu kula qabanayn,’’  buu haddana ku daray weyddiimihii.’‘‘Maya,’’ baan ku idhi. ‘‘Cabdillaahi hawl degdeg ah buu u baxayaa dhawr cisho kadib oo xaaskiisii iyo carruurtiisii buu ugu tagayaa Maraykanka, si uu u soo kaxeeyo,’’ ayaan u raaciyay. Aabbahay waxa uu igu la taliyay in aanan keligay qaban xafladdaas. Waxa aan markaa ku idhi, ‘‘Aabbo bal aynnu isu nimaadno oo berri qadada aan xaafadda kuugu imaaddo haddii Rabbi yidhaahdo.’’ ‘‘Waayahay,’’ ayaa uu iigu jawaabay.


Aabbo marka uu ila soo hadlay waxa aan joogay Xamarji gurigiisa. Xamarji laftiisa habeenkaa ayaan u sheegay in aan xaflad qabanaayo, oo sababta aan ugu imidba taas bay ahayd. Isaguna waxa uu la mawqif noqday aabbahay xoogna waa aan uga wada doodnay, waan se ka diiday in aan joojiyo xafladdaasi, in kasta oo uu i soo hordhigay qodobbo macquul ah. Laakiin laftayduna kuwa kale oo macquul ah oo uu iiga garaabayo ayaan u sheegay. Waxa cajiib ahayd in Xamarji iyo aabbahay oo aan is ogayni ay mid ka sinnaayeen oo labaduba igu yidhaahdeen, ‘‘Keligaa ha qaban xafladda,”  iyo "iska jooji.’’ Laakiin waxa aan ogaa in ay adag tahay in aan helo halabuurro kale oo ila qabta xafladdaasi, waayo fikir iyo aragti in aannaan qaarkood wadaagin baa dhici karta, qaarkoodna siyaabo kala duwan aanay suurtogal u ahayn in ay ila qabtaan. Midda kale waxa ay ahayd in aan xaflaaddan u arkayay mid la mid ah xafladihii hore ee aan gaarka u qaban jiray, sida Halabuur Hirgalay iyo Halabuur La Bilkeeday. Qof halabuur ah oo uu Xamarji ila soo hadal qaaday oo aan u bandhigayna waa uu ka cudurdaartay. Aniguna waxa aan doonaayay in aan dayrka baqashada jebiyo. Waxa aan xusuustaa in markii uu ii taag waayay Xamarji uu igu yidhi, ‘‘Maad u malayn in dadka qaar rumaysan waayi doonaan in aan xafladda ku idhi, ‘Iska daa,’ oo aanan kugu raacsanayn!’’


Maalintii xigtay ayaan guriga ugu tagay aabbahay, goor duhurnimadii ah. Aabbahay maalintaa aad baannu u wada hadalnay. Waxa uu ku celceliyay in aanan keligay xafladdaa qaban, oo duruufo jira iyo sababo badan ayaa uu dooddiisa ku saleeyay.


Duhurnimadaasi waxa uu iiga digay aabbahay in ay dawladdu iga dhigan doonto yoolka kowaad. Waxa uu aamminsanaa, in waxa guud ee aan wadaa uu tahay sax iyo xaq aan u leeyahay in aan fikirkayga si habboon oo qurux badan u gudbiyo. Laakiin waxa walaac kaga jiray in dawladdu igu xad-gudubto, haddii ay taasi dhacdana aanu arrinku aniga oo qudha joogayn, ee cid badan ay dhibi doonto, saamaynna doonto dad uu kow ka yahay. Waxa werwer badan ku abuuray nimanka dalka iminka haysta oo ay aqoon dheer isu lahaayeen ilaa jabhaddii, iigana aqoon badnaa.


Aabbo wax badan baan kala hadlay, aniga oo ta uu sheegayana la fahmay. Waxa aan u sheegay, in hadda qabashada xafladdani ay soo gaadhay meel aan ka noqosho lahayn, lacagtii xafladda iyo tii huteelkaba aan bixiyay, arrinkuna aniga oo qudha aanu ahayn iminka ee dhallinyaro badan oo aannu aragti-wadaag nahay wada wadno. Waxa aan ku adkaystay in aan sii wadanayo hawsha aan u banbaxay, ee uu ii duceeyo. Aabbo waxa aannu kala tagnay dharaartaa isaga oo aan farsamo ahaan ku wada qancin xafladda aan qaban doono.


Warqadihii casuumadda xafladda (invitation cards) markii aannu daabacnay, ee uu aabbo ku arkay gurigayaga, xafladdiina laba habeen ka hadheen, ayaa uu ila soo hadlay. Waa abbaaro sagaalkii habeennimo. Waxa uu igu yidhi, ‘‘Aabbo saw kaadhadhkii xafladdaadu kuwan xaafadda yaalla ma aha?’’ ‘‘Haa,’’ baan ku idhi. ‘‘Saw kaama aan kari waayin oo sidaas maad go’aansan?’’ Waan aamusay, aniga oo is leh muxuu soo wataa tolow? Aabbo ayaa haddana yidhi,”” Buugga Mayal.


Bogga: 105, 106 iyo 107.

Ciwaanka: Aabbo Na baadho: Aabbahay Iyo Aniga.

Sidii roon Allahayoow.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...