Ma ogtahay inay ADDIS-ABABA Balay ka cabto?

0
Tuesday July 05, 2022 - 08:41:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ma ogtahay inay ADDIS-ABABA Balay ka cabto?

    W/Q: Abdikarim Herzi Seefta-dibada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdikarim Herzi Seefta-dibada

Gacale-yaalow,  bari baa odey beero lay ahaa, intuu aroortii hore, meeraray dibidiisii ayuu si hagar la'aan ah u qodey beertii, casarkii markuu dibidii ka furay harqood kii, ayaa siduu eebe ka filaayay cirkii daruuro isa soo xidhay dhan walba. Wuxuu kolba cirka eego, oo isha la raaco,  hogol meel kale ka onkoday, ayuu raagsaday dhibicii roobka.  Waxa is qabsaday onkodka afarta jihoba, balse isaga iyo beertiisii wali daruurta dul joogtaa,  onkod daaye, xafiif may dihan.  Intuu is haysan waayay ayuu mar qudha isagoo faraha ugu hanjabaaya ku yidhi daruurtii, " daruuryahay waa qayrkaa waxaa danabka iyo hilaaca isu daraye, adigu ma mid abeera baad tahay ".



Hadaba Addis oo ay ku nool yihiin 5 millions oo qof in ka badan ayaa biyo xidheen ka cabtee, inaga waa talo xumo waxaynu xumbo wayne uga haqab beeli waynay biyihiisa.


Addis-Ababa waxaa berito xadhiga laga jarayaa mashruuc biyo ah oo maalintii soo saari doona siddeetan iyo lix kun (86,000) oo Meter Cubic-ah.


Mashruucan waxaa ku baxday 4.2 Bilyan oo Birr, oo u dhiganta $ 52,500,000 dollar waxaana kharashka bixiyay maamulka Magaalada Addis Ababa


Mashruucan oo kamid noqon doona mashaaricda ugu waawayn ayaa waxaa ka faa'idaysan doona bulsho ku dhaw 5 millions.


Addis ababa waxay cabta biyaha xareeda ee roobka taas oo laga aruuriyay biyo laba doox oo Sanadki soo rogmada.


Imisa doox baa inaga biyahoodu bada uun ku daraan oon koob cidi ka darin?


@Seefta-Dibada

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...