Ma Rumaysan Tahay In Xeerka Midaynta Cashuuraha Lagu Naas Nuujiyo Beelaha Degan Berbera Iyo Gabiley?

0
Tuesday July 05, 2022 - 08:15:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Rumaysan Tahay In Xeerka Midaynta Cashuuraha Lagu Naas Nuujiyo Beelaha Degan Berbera Iyo Gabiley?

    "Isku soo duub oo Kulmiye isagu beelaha Somaliland ma shaambadeeyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Isku soo duub oo Kulmiye isagu beelaha Somaliland ma shaambadeeyo"

Ma rumaysan tahay in markii xeerka midaynta cashuuraha la samaynayey looga dan lahaa in lagu naas nuujinayey beelaha degan Berbera iyo Gabiley? Hadii jawaabtu Haa tahay, maxaa looga dan lahaa kabka 21% ee Burco loo qoondeeyey inay cashuurtaasi ka hesho? Yaa la  sedbursiinayey marka 51% Hargaysa loo qoondeeyey?



Buugan Hodanka Baahan ee uu qoray Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa isagu markii uu bilaabay doodan ah sedbursiimaha ku jira xeerka wuxu ka afeef dhigtay in aanu dhaliil uga jeedin lakiin ay sixid ka tahay. Su'aasha taarikhda gashay baa waxay tahay " Xisbiga Waddani Talada dalka Ma ku guulaysan karaa  isaga oo beelaha Berbera iyo Gabiley ku shaambadaynaya dhiig miirato qaranka ku dulnoolaa 30kii sano ee tagay? Jidkii Guusha loo marayey ma tahay in Madaxwayne Cigaal (AHUN) lagu tilmaamo qabyaaladiiste qaranka u sameeyey xeerar u gacan bidixaynayey beeshiisa?


Su'aasha Labaad waxay tahay Xisbiga Kulmiye talada dalka ma ku sii haysan karaa isagoo xisbiga Waddani ku eedaynaya mid Soomaliwayn sal ku leh oo ka soo horjeeda madaxbanaanida iyo gooni-isku-taaga Somaliland lagu aasaasay?


Isku soo duub oo Kulmiye isagu beelaha Somaliland ma shaambadeeyo lakiin Waddani wixiisu waa badheedh oo Muuse biixi Cabdi iyo Muuse subeer Awal waxa ka soo dhacday in ay iskugu mid yihiin walow xisbiga waddani ay la mac yihiin rag badan oo beesha Berbera iyo Gabiley ka soo jeeda oo hadafkani mideeyo.


Rafiiq Qaran

Awrabaax Jr.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...