Adigoo Garanayn Dabaal, Bad-Weyn Dalaq Lama Yidhaa ( Abdi-Shotaly).

0
Monday July 04, 2022 - 11:17:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Adigoo Garanayn Dabaal, Bad-Weyn Dalaq Lama Yidhaa ( Abdi-Shotaly).

    N.B Geelle Jire Muxuu Garanayaa, Guburo Dheeraaye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Geelle Jire Muxuu Garanayaa, Guburo Dheeraaye

Muwaadin waxan maanta u soo qalab qaatay,  askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" oo  meel uu ka baxaa aanay jirin haba-yaraatee, kaas oo isaggii is gawracaya, oo xaal-kiisii noqday, dhan-kani hirig, dhanka kale jar iyo laag aan dib looga soo noqon, dhex-duna ay hog madhan tahay, docddii uu talaabo u qaad is yidhaahaa-ba waa u hoog iyo ba', halaag iyo balan-bal aan yarayn. Saaka akhristaw, waxa uu doon-doonayaa, oo uu garan la'yahay, wadaddii uu u mari lahaa in loo sameeyo Korodh-siimo, markaas buu kolba derbi isku qaadayaa, qaar awr-kiraala-yaal ah, oo xildhibaano ku sheeg ah, hadba uu hoosta ka soo dirayaa, Xusbiyaa la furayaa, hadda isagii baa soo celiyey, haduu doonaayo saw muu saxeexeen? qaar aan fekerin, oo colaad beeleed ay madax maretay, iyo maxakamad ku sheeg uu amar siiyo, wuxu yidhaah-dana u xukunta baa meesha uu dhigtay. waxa-se ka khalan in aanay maanta u suuro-gelayn sidda uu rabaa, ee ay gacanta ku hayaan Rag aan dhan raacsa-=nayni, oo u daacad ah ummadoodda, iyo distoorka dal, ma joogaan kuwiii meesha uga wakiilka ahaa, ee wax walba u dhamayn jirey marka uu dhaameelka u tuuro..

 

Nin baabuur wata baa mid geel jire ahi weydiiyey " Xagaad u socotaa?" ilayn wuxu maqalay baabuur baa la raacaaye ( Sidda askarigan maqlay wax siyaasad la yidhaaho baa jirta). Dabeed wuxu ugu jawaabay xagaas hore, kii geel jiraha ahaa, isaga oo aan ku odhan ma ku isii raaci karaa? Halkaa hore baa reerku iga yaalaa aad sii marayso'e, buu gaadhiggii jenbiga kaga booday. kii darawalka ahaa baa inta uu la yaabay, madaxa qabsaday ninkan iska fuulay, wuxu ku yidhi adeer waxan kaa rabaa kiraddii, wuxu ugu jawaabay mar kale oo ma wax baa laga bixiyaa miyaan la iska fuulin ( Sidda Askarigan Siyaasadda Kufsaday), in uu dadka qaad-qaado ayuun baan maqli jiraye, oo qaar baa igu odhan jirey baabuur baanu soo raacnaye? Ee anna sii raac baan is idhi. Iyaba waa yaabka yaab-kiise, ninkii gaadhiga lahaa, isaga oo dhana kaga qoslaaya aqoon darradda ka haysta geel jiraha, dhana ka fahmay qabka ku jira iyo halkuu isla joogo, buu si lama filaan ah u yidhi anakaa wax aragnay, ka bacdi intuu toban-kiisii farood dhafoorka saaray buu yidhi " Geel jire muxuu garanayaa, guburo dheeraaye, gaadhiga wuxuu moodayaa, geed la korayaaye" oo micna-heedu yahay, malaha in uu bilaash yahay buu u haystaa oo la iska fuulo, ee ma yaqaan in lacag laga bixiyo, bal hadaba waxan u soo qaatay ee aan uga jeedo, halkan hoose ka akhriya.

 

Kuwan askarta ah ee Somaliland ba'saday, waxay la mid yihiin geel-jirahaas aan haba-yaraatee, wax fekred ah ka haysan siduu u shaqayeeyo baabuurku. Hore baa murtiyi u ahayd " adoon garanayn dabaal, bad-weyn dalaq lama yidhaah" Waayo mawjadda baa ku qaadaysa, aakhir-kana intaad ku hafato baad ku dhimataa. Waxa sidaas ka dhigan akhristaw, askariga la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay" oo aabihii Af-weyne ku soo taba-baray " Digtoonaw iyo dib u jeeso" oo intaa mooyaane aan wax kale-ba maqal siduu dab uga baydhay, baa markuu xukunka boobay? is yidhi wax baad taqaanaa ee maamulka ku keli noqo. Hore baa maah-maahi u ahayd " Illaahaw nin aan wax-ba ogayn ha cadaabine" Wuxu tallo mooday ama door-biday in wax lagu maamulo " Qarjajac iyo kaladh is-laac" dabeed waa kaas ku haftay, dooniyi bad-weyn kula sabeynayso, ee mawjaddii kolba dhinac u gaxaysa-nayso, meel ay la tegi doon-tana aanu garanayn. In uun buu nasiib yeelan lahaa malaha, haday kula caarido xeebta ay iska galaan badda iyo dhulkuye, laakiin-se meeli-ba meeshay ka sii xumayd bay mawjadu ku sii tuuraysaa, haduu naf la caarid yahay, wuxu hadeer marayaa halkii uu illaah ha u naxarristo'e Abdala Sagsaag ka lahaa " Bad baa igu gaaf-wareegsanoo, cirkaan gabal ka arkayaa, mawjado gurxamaan dhex galay, oo dhex-dooddii ka hadlayaaye, ilayn geed la cuskadaana" ee bal askarigan dhegaha xidhan yaa ka saari doona? Isaggii baa isi soo dabaye. Wuxu imika la mid yahay geel-jiraha sare ku yaal iyo nin-kaas aan dabaasha aqoon ee biyihii milix-dda lahaa khasab mawjadu ku cabsiisay.

 

* N.B Geelle Jire Muxuu Garanayaa, Guburo Dheeraaye.

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...