Kenya oo Mamnuucday in laga Kalluumaysto Soohdin Baddeedka u Dhexaysa Soomaaliya
Maamulka xeebta Waqooyiga Kenya ee Lamu, Mr. Joseph Kanyiri ayaa sheegay mamnuucida hawlaha kalluumaysiga ee soohdimaha badda ay la wadaagaan Soomaaliya loo qaaday sababo la xidhiidha walaac laga qabo dhinaca Ammaanka.
Mr. Joseph Kanyiri wuxuu sheegay in kalluumaysatada lagu qabto xeebaha kalluumaysiga laga mamnuucay in la xidhi doono.
Geesta kalena, ilo wareedyo uu helay Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa tibaaxay in deegaannada xeebta ee Kalluumaysiga laga joojiyey ay noqdeen goobo laga soo waarido Kootarabaanka iyo Maandooriyeyaasha.
Tallaabadani waxay ku soo beegantay iyadoo cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya uu xumaaday isla markaasna ay taagan tahay dacwadii muranka badda ee labada waddan.
Hadhwanaagnews.com/Hargeysa