Madaxda Somalia & Somaliland oo ka hadlay geerida Fanaanada Khadro Daahir

0
Sunday July 03, 2022 - 10:19:42 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1478
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Somalia & Somaliland oo ka hadlay geerida Fanaanada Khadro Daahir

    Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska,



Iyada oo xalay Isbitaal kuyaalla Magaalada Hargeysa ay ku geeriyootay fanaanadii weyneyd ee Hobolada Waaberi Khadro Daahir Cigge oo maalmihii la soo dhaafay xanuunsaneysay ayaa waxaa ka hadlay Madaxda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday hoboladdii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige.



 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumadda ay kaalin weyn uga jirtay fanka Soomaaliyeed, iyada oo doorweyn ka qaadatay sare u qaadida fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo ay ka aheyd tiirarkiisa.


"Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo miisaan ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.”


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa sheegay in uu murugada la qeybsanayo qoyska asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday fannaanaddii Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige, Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa qoyskii ay ka geeriyootay iyo bahda fanka.


” Marxuumaddu waxa ay kaalin muuqata oo micno leh ka soo qaadatay horumarinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay ayuu yiri” Ra’iisul Wasaaraha.


Waxaan Marxuumadda Eebbe uga baryayaa in uu Jannadii Fardows ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.


Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleemaan Cali Koore oo ka hadlayay geerida Khadra Daahir ayaa sheegay inay tebi doonto cidkasta oo ku hadasha Afka Soomaaliga, isaga oo Alle uga baryay in Janadda Fardowsa uu ka waraabiyo.


Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Khadra Daahir Cigge ay aheyd Fanaanad dadka dhan ay jecel yihiin, isaga oo sheegay in Maanta Duhurkii lagu Aasi doono khabuuraha Haleeya ee Magaalada Hargeysa.


Alle ha u naxariistee Khadra Daahir Cigge ayaa Magaalada Hargeysa waxaa ay ku dhalatay sanadkii 1957-dii, waxaana ay fanka ku biirtay sanadkii 1974-tii, iyada oo ka qeyb qaatay riwaayado dhowr ah.

Loading...
Loading...