Dhicisku Inta Birta Loo Soo Sido Buu Bakhtiyaa ( Abdi-Shotaly).
Horaa loo yidhi " Aduun-yadda nin nooloow maxaa aragti kuu laaban" Maalin kaste dhaqan xumo hor leh baa ina soo gaadhaysa ama aynu maqlaynaa, Maanta oo ay taariikh-du tahay 30kii bishii lixaad 2022, weliba ah ayaantii ugu horeysay bisha barakaysan ee la yidhaaho " Dul-Xaja" Waxa magaaladda Hargeisa ka dhacay wax dhaqan xumo ah iyo diin darro, aan hore inoo soo marin sheeko iyo shaahid haddii aynu nahay Somali, weliba ku draso oo dadka afka la kala qaaday arimha-haas anshax xumidda ah, waa qaar doonaaya in ay ummadda hogaamiyaan, qofka waxaasi ay ka soo yeedheena waa " Dr Khal-khal" Illaah ha inaga bad-baadiyo waxa uu la sare kacay, ee uu is leeyahay waxad ku helaysaa food, isaga oo beel aan tiisda ahayn is leh aqoon xumidiisa ku beer laxawso, oo food kaga doon, laakiin-se ereyadda ka soo baxay ee uu dad isla soo hor taagay waa midh laga qabsado " Bisinka", oo la yidhaaho " Subxaanlaahi Allaw Na bad-baadi". Murti baa waxa inoo biyaami-naysaa oo micnaheedu yahay " Bixiso meel baas mooyee bar asturan kuma dejiso" taas baana haysata, ee xaguu ka bixi ama uu ciirsi moodi, haw tago kuu jeclaaday"
Nin-kaas doonaaya in uu ummadda hogaamiyo ee Dr Khal-khal" malaha gaboose baad tidhaah-daane, waxa saaka laga hayaa " Nin baan jecelahay" Saw amakaag iyo af kala qaad maaha. Gabdh tidhaaha nin-kaas baan jecelahay iyo nin gabadh jeclaadda aduunka oo dhan waa wax caadi ah, oo illaah baneeyey, laakiin diinta Islaamka kuma jirto, mana ogola oo waa dil " Nin jeclaadda nin kale", In la doorto iyo cid uu hogaamiyo baa malaha halkaas la gashay. Maah-maah Soomaaliyeed baa waxay ahayd " Dhicisku inta birta loo soo sido buu bakhtiyaaye" Iyadda oo aan la islaba gaadhin waalidda maskaxdda ka gashay ee ah madaxnimo, buu horteed iskii isu sii gawracay, Haduu sii go'ay oo uu sugu kari waayey xabaashii lagu aasi lahaa. waa kaas isaggii xabaasha isku riday bilaa kafan iyo tukasho la'aan, isuna wadhay haadda " Finaka-Cawdu-billaahi" Yuu wax u sheegi karaa, ilayn isaga baa is cadeeyey waxa uu yahaye, si badheedh u yidhi nin baan jecelahay, qofkii is lahaa wuu miyir qabaayaw waa kaas ee wax ku qaado, kii ka naxayaw orod oo dhakhtar u dir, hore buu u amaanay Jaamacad ku sheegta dhaqan bi'iska ah ee Abaarso, tii uun baana soo baxday ee ha yaabina.
Odhaah baa ahayd "Nin ambaday halkuu maray way ula ekoonayde" Aqoon xumo wuxuu ka qabo, wuxu is lahaa ku dhego hadal Madaxdda Mucaaridka ee Cirro iyo Faysal" Laakiin-se dooniddii uu fuushanaa buu isku dejiyey, oo waataas fari tog-dheer la xushay, cid ka soo saarta bad-weynta liqday-na ma hayo. Kaaga sii darane, dadku waa beello, ee wuxu si wacan u sawiray halak uu ka taagan yahay beeshiisii, oo aan qof keliyi kala socon, ee saw gudcur gudimaayo. hore baa loogu dhaafay arimo kale, oo uu yidhi Abdirman Ahmed Ali ( IHN) waan mastaafuriyey, waana Ururkii sadexaad ee uu furto ee socon waayey, waa kii marya-alool hoos fadhiyey ka maanta uu leeyahay waan jecelahay. Waxa la yaab leh maaaha, oo meesha uu lahaa wax baan ku daah furayaa waxa aynu ku arkaynay " Ramaax, Xaglo-toosiye, Riyo raac, Jano-ka-bood waa Samaale ka loogu yeedho'e, iyo qaar ka mid ah " Digsi Xagato, meeshana wax aan dhamayn 50 qof baa isugu yimi, ee mee tolkii? Ma is weydiiyey waxay ugu iman waayeen? Saw in uu wax ku qaato may ahayn. waxase aanan ula yaabayn oo sheekadu ku soo xidhantay " Nin baan jecelahay" Waxan ku soo gunaanaday maqaalkan. maskaxdda Dr khal-khal waa taas, qofku haduu cuqdad qabo, isadda askariga uu jeclaaday ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan" Ilaahay-na sooma hadeeyo, saakana waa kaa sheegtay wixii Illaahay mamnuucay.
* N.B Bixiso Meel Baas Mooyee Bar Asturan Kuma Dejiso.
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!