Waar Malaha Ceeb Maaha Inaad Madaxweynahaaga Jeclaato !

0
Friday July 01, 2022 - 20:18:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Waar Malaha Ceeb Maaha Inaad Madaxweynahaaga Jeclaato !

    Digtoor Gaboose waa nin weligii jeclaa Madaxweyneyaashiisa...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Digtoor Gaboose waa nin weligii jeclaa Madaxweyneyaashiisa...

1. Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre aad ayuu Digtoorku u jeclaa oo dawada iyo irbadaha ayuu daba sidi jiray aadna caafimaadkiisa wuu u xanaanayn jiray  waxaanuu ahaa Dhakhtarkiisa gaarka ah, balse aakhirkii wuu ka soo baxsaday oo Jabhadii SNM ayuu ku biiray.



2. Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal isna aad ayuu u jeclaa Digtoorku, waxaanu dedaal adag u galay in sanadkii 1997 Cigaal dib loo doorto, waxaana uu waagaas dagaal adag la galay Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal oo waagaas Madaxweyne Cigaal tartan kula jiray, waxaasina wuxuu u sameynayey jacaylkii Cigaal uu u hayay. Waxa kale oo Jacaylkii uu Cigaal u qabay uu u xambaartay Godobta taariikhiga ah ee beenta ah ee uu yidhi Cabdiraxmaan Tuur ayaan Hargeysa ka mastaafuriyay, taasi oo ahayd mid been ah.


Cabdiraxmaan Tuur Madaxtooyada waxaa ku qaabilay Marxuum Cigaal oo si fiican ugu soo dhaweeyay, kulamo dheerna ay yeesheen, markii Cabdiraxmaan uu hawshii uu u socday uu dhamaystay ee diyaarada uu raacay si fiicana loo sii gelbiyay, ayuu Cigaal Gaboose ku yidhi waxaad tidhaa waanu mastaafurinay si aan shacbigu iigu kicin oo aan loo odhan Cabdiraxmaan Tuur oo Federaalka aaminsan ayuu qaabilay. Dr Goboose jacaylkii uu u hayay Madaxweyne Cigaal ayuu u xambaartay godobtaas taariikhiga ah ee waliba beenta ahayd.


3. Madaxweyne Siilaanyo jacaylkii uu Gaboose u hayay waxa uu ahaa kan loo yaqaano love–hate relationship. Xiligii Ololahii Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ahaa Madaxa Ololaha Kulmiye ee Gobolada Bari, waxaana uu ka mid noqday golahii Wasiirrada ee Madaxweyne Siilaanyo, balse wuu ka tegay berigii danbe.


4. Madaxweyne Muuse Biixi in uu Digtoorku Jeclaado ceeb maaha, waa muwaadin yidhi Madaxweynahayga waan jecelahay, laakiin inuu yidhaa cidii aan jeclaynay Cirka qabta waa khalad..., Cirka maxay ka doonayaan dhulka ayay joogaane kkk. Xaq miyaanay u lahayn inay iyaga oo dhulka jooga wax jeclaadaan ama wax necbaadaan.


Ugu danbayn Digtoorku Xaq ayuu u leeyahay inuu wax jeclaado, lana jeclaado. waxaa kale oo muhiim ah in la ogaado inaanayn imika uun ahayn in Digtoorku uu Madaxweynayaashiisa jeclaado, balse waa jacayl soo taxnaa tan iyo Siyaad Barre.


Igu salaama Gudoomiyeha Ururka Barwaaqo, horena u ahaa Gudoomiyiha ururradii aan hano-qaadin ee Sahan, Qaran, iyo Ummad.


Jimce Wanaagsan

Kaysar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...