Faallo:-Madaxweyne, miyaad Colowdeen Beesha Subeer-Celi Ee Kursiga Ku Saartay?

0
Tuesday June 28, 2022 - 18:57:40 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Madaxweyne, miyaad Colowdeen Beesha Subeer-Celi Ee Kursiga Ku Saartay?

    Faallo:-Madaxweyne, miyaad Colowdeen Beesha Subeer-Cali Ee Kursiga Ku Saartay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Madaxweyne, miyaad Colowdeen Beesha Subeer-Cali Ee Kursiga Ku Saartay?



Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu shalay oo taariikhdu ahayd 27/6/2022-ka uu soo saarray Digreeto uu ku shaandhaynaayay Xukuumaddiisa, inkastoo aannay Digreetaddaasi ahayn mid siddaa u buurran, maaddaama muddooyinkii u danbeeyay aad loo hadal-hayay, isla markaanna aad loo suggaayay oo beelaha qaarkood filayeen in markan Madaxweynuhu uu wax u kordhiyo ama kuwii joogay uu ku badalo kuwo cusub oo laga yaabo inay dardar-gelin lahaayeen xidhiidhka Xukuumadda Biixi iyo Deegaanka ay ka soo jeeddaan.


Turkigu Warqad Nooma Soo Dirin,” Somaliland - Sayruuq News


Digreetadda Madaxweyne Muuse Biixi waxay u badnayd Guddoomiyeyaal, Agaasimeyaal, Wasiir-kuxigeenno iyo laba Wasaaraddood oo uu laba Wasiir u soo magacaabay, balse may ahayn isku shaandhayntii ay Shacabka Somaliland filayeen, iyaddoo filashadda shacabku ahayd in Madaxweynuhu uu si wayn isku badal ugu sameeyo golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciiddammada, kala duwan, Guddoomiyeyaasha gobollada, Hay'adda madaxa bannaan ee dawliga ah, isla markaanna uu qoorwaynta Xukuumaddiisa uu dhabarka wada taabto, balse Madaxweynuhu waxa uu soo saaray Isku Shaandhayn kooban oo aan ka turjumayn darreenkii shacabku qabeen, maaddaama ay jiraan Hay'addo badan ka gaabiyay adeegyaddii ay bixin jireen, iyaddoo Masuuliyiintii loo xil-saarayna ay ka saaqiddeen, kadib markii ay ku raaggeen Kursiga, Madaxweynuhunna uu ku ilaabay ama uu dano gaar ah ku ilaashannaayo.

Haddaba, waxa jira beelo ka mida kuwa Somaliland deggen, gaar ahaanna deggen Caasimadda Hargeisa oo ka xumaadday Digreetaddii uu shalay soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi, kuwaasoo iska dhex waayay Digreetaddii Muuse Biixi, iyagoo markii horena tabasho ka qabay Shaqsiyaadka uu beeshoodda ka xushay, kuwaasoo ay u arkayeen inaanay rabbitaanka iyo Kalsoonida beesha ku tagin Kursiga, balse ay ku tageen rabbitaanka Muuse Biixi, taasinna sabab u noqon karto in beeshaasi ay iskaga dhaqaaqdo Xisbiga talada haya ee KULMIYE, maaddaama aannu Madaxweynuhu wax tixgelin ah siinayn rabbitaankoodda.

Beel-waynta Arab oo ka mida Beelaha waa wayn ee reer Somaliland waxay kaalinta koowaad kaga jiraan Beelaha uu Xuquuqdooddii iyo weliba saayid uu dafiray Madaxweyne Biixi, isla markaanna uu ka ilaalinnaayay Qallinkiisa, iyaddoo xuquuqdoodii uu ku soo koobay inuu mid eryo midna uu ku soo badalo, halka uu beelaha kale u magacaabo Afar ama Saddex Wasaaraddood uu Wasiirro uga dhigo, taasoo ah mid aannay qabain beel-weynta Arab.

Beesha Subeer-celi oo ka mida beelaha ugu tunka wayn beel-weynta Arab waxaa Xukuumadda Muuse Biixi kaga jira laba Xubnood, oo aan ku joogin Kalsoonidda beeshaas balaadhan, balse uu Madaxweyne Muuse Biixi ku hayo Kursiga oo uu yidhaahdo midna Aabihii baanu saaxiib ahayn, midna Shaqaddiisa looga maarmi waayay, waxaannay beeshaasi filaysay in Madaxweynahaay Digreetaddiisa ay qayb ka noqdaan oo uu labadan Xubnood wax ugu darro ama uu labaddan laba ka wanaagsan oo beesha ku xidhan kuu ku badalo, balse nasiib-darro Madaxweynuhu midna muu qaaddan labaddaas arrimood, waxaannay taasi keenaysaa inuu xumaaddo xidhiidhkii u dhaxeeyay Xukuumadda Biixi iyo Beesha Subeer-celi oo 2017-kii Codkii ugu badnaa kursiga ku saartay Muuse Biixi Cabdi.

Beesha Subeer-cali markii uu talada dalka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay haysatay Laba Agaasime guud, Xoghayaha fullinta Dawladda hoose ee Hargeisa, Xubin ka tirsan Xuquuqal Insaanka iyo hal Wasiir ku-xigeen, halka ay maanta haystaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Liibaan Yuusuf Cismaan oo aan saamayn siyaasaddeed iyo mid shaqsiyaddeed midna lahayn, isla markaanna aan haysan kalsoonidda beesha balaadhan ee Subeer-celi, balse waxa ku Kursiga ku haya Madaxweyne Biixi oo yidhaahda Aabihii baannu saaxiib ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii u danbeeyay ee dhex-maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxdhaqmeedka beesha Arab, waxaa ka maqnaa Suldaan Xuseen oo ah Suldaanka beesha Subeer-cali iyo Ugaaska guud ee beelaha Arab Ugaas Ahmed Cali Mahdi oo isagunna ka reer ahaan ka mida beesha Subeer-cali, inkastoo uu yahay Ugaaska guud beelaha Arab. Haddii Wasiir-kuxigeenku uu kursiga ku matalo cid ama uu rabbitaanka beesha kursiga ugu fadhiyo kamay maqnaaddeen kulankii Madaxweynaha labaddaas Oday oo ka mida Madax-dhaqmeedka waa wayn ee beelaha Arab si guudna uga mid ah Madax-dhaqmeedka mudakarka ah reer Somaliland.

Loading...
Loading...