Dawlada Soomaaliya Oo ka Hadashay Diyaarad Ka Kacday Garoonka Muqdisho Oo Lagu Xanibay Garoonka Wajeer

0
Tuesday June 04, 2019 - 12:12:26 in News by
  • Visits: 3944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo ka Hadashay Diyaarad Ka Kacday Garoonka Muqdisho Oo Lagu Xanibay Garoonka Wajeer

    Dawlada Soomaaliya Oo ka Hadashay Diyaarad Ka Kacday Garoonka Muqdisho Oo Lagu Xanibay Garoonka Wajeer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo ka Hadashay Diyaarad Ka Kacday Garoonka Muqdisho Oo Lagu Xanibay Garoonka Wajeer


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay diyaarad ka dhooftay garoonka Muqdisho oo xalay lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Image result for maxamed cabdilaahi oomaar


Wasiirka duulista hawada dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dawladu ay ka war qabto xayiraada la saaray diyaaradaasi "Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay aad oga xuntahay xayiraadda musaafiriintii xalay lagu xayiray garoonka diyaaradaha Wajeer ee dalka Kenya." ayuu yiri wasiir Oomaar oo qoraal ku baahiyay boggiisa Facebook.


Diyaaradan lagu xanibay garoonka Magaalada Wajeer ee dalka Kenya ayaa waxa saarnaa dad rakaab ah oo gaadhaya ilaa boqol qof, iyada oo maamulka garoonka Wajeer ay ku wargeliyeen inay ku habsaantay garoonka isla markaana aan loo ogolayn inay wakhti habeenimo ah ka duusho taas oo keenta inay dib uga dhacdo duulimaadkii ay ku gaadhi lahayd magaalada Nairobi.


Sidoo kale wasiirka duulista hawada soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar ayaa sheegay in xukuumada soomaaliya ay talaabo qaadayso ka dib baadhis ay samaysay "Baadhitaan gaaban ka dib wasaaradu waxay maanta tallaabo cad ka qaadi doontaa cid kasta oo keentay ama ka hor tagi weyday dhibka soo gaadhay musaafiriinta.


Arrintan ayaa ku soo aaddaysa xilli dhowaan Kenya joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee isku xirayay Muqdisho iyo Nairobi,iyadoo duulimaadka Muqdisho dib loogu baaro garoonka Wajeer inta aysan tagin magaalada Nairobi.

 




Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...