" Gabadhii aasaastay Jaamacadii ugu Horeysay Aduunka ! "

0
Tuesday June 28, 2022 - 10:47:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Gabadhii aasaastay Jaamacadii ugu Horeysay Aduunka ! "

    Waxa uuna wanaajiyay korintooda iyo daryeelkoodaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uuna wanaajiyay korintooda iyo daryeelkoodaba


Cilmi Barris lasameyay bilowgii sanadii 2021 Ayaa lagu Sheegay in ay dunida ka jiraan Ku dhawaad
Sodon iyo kow kun , sagashan iyo todoba jaamacadood
o la aqoon-sanyahay .


Lakiin wili ma isweydiisay waatee jaacamacdii ugu Horeysay e Dunidda laga Hirgiliya.!
Faadumo bintu Muxammad Al-Fihri Al Qurashi waxa ay ku dhalatay magaalada Qeyrawaan e dalka Tunis , waxaaa la shegaa in aay ku abtirsataa Cuqba bin Naafici al-Fihri al-Qurashi, waxaana dhalatay sannadkii 800 ee miilaadiyada. Faatumo aabaaheed waxa uu lahaa xoolo iyo maal badan, waxa uuna dhalay laba gabdhood oo keliya " Maryam iyo Faadumo.

Waxa uuna wanaajiyay korintooda iyo daryeelkoodaba ilaa ay ka koraan. Faadumo waxa ay ka soo Guurtay Qeyrawaan una soo guurtay magalada Faas e Dalka Maroko (oo aheyd Xiligaas caasimadii Dowladii Idirisiyiinta .) waxayna la joogtay Waqtigaas qoyskeeda

Faadmo halkaas Ayaay ku guursatay Nin isagana xoola iyo Maal badan haysto . Muddo aan sidaa u fogayn ayay aabbeheed iyo ninkeediiba dhinteen, waxayna dhaxal ahaan u Qaadatay hanti aad u badan, dhaxalka waxaa ku wehliyay walaasheed "Maryama "o eheed Halka Walaal e dhaxalka la wadaagayay.
Faadumo waxay ka fikirtay sidii ay lacagtaas faraha badan ku bixin lahayd, waxayna aakhirkii go’aansatay inay dhisto masaajid xusuus u noqon doona geerideeda ka dib.

Faadumo oo lagu naanaysi jiray "Ummul-Baniin” waxay tagtay Masjidka Al-Qaraawiyyin ee ku yaallo magaalada Faas ee dalka Marooko, waxayna dib u dhis ku samaysay Masaajidkii iyada oo laba jibaartay dhulkii Masaajidka waxaay iibisay beer ku wareegsanayd masjidka , waxaayna kudartay masaajidka.
Xogaha qaar ayaa sheegaya in Faadumo Al-Fihri ay si mutadawacnimo ah u dhistay masjidka wacadna ku martay in aysan maalin qura soon la,aani doonin ilaa ay shaqada masjidka ka dhamaato.

Qaar ka mid ah kutubada taariikhda ayaa sheegaya in Faadumo ay go’aansatay in aysan ka qaadan carro ama qalabka dhismaha meel aan ka eheen dhulkii ay ku iibisay lacagteeda, waxayna ka codsatay shaqaalaha dhismaha inay si qoto dheer u qodaan dhulka si ay u soo saaraan ciid cusub oo jaale ah, dhagxaan iyo malaas oo ay u isticmaallaan dhismaha.

Markii la dhameeyay dhismaha Masaajidku waxa uu Noqday mid waasac ah oo si wanaagsan loo dhisay Muqaalkiisana aad u Qurux badan yahay.

Masjidka jaamic Al-Qaraawiyiin ayaa noqday machad-diimeedkii ugu horeeyay iyo kuliyadii Aqooneed o ugu waynayd e kutaala Cirriga marooko .

Dad badan ayaa aaminsan in uu noqday jaamacad bilowday sanadkii 877-dii miilaadiyada, taaso ka dhigtay Duruusta cilmiga ah ee lagu soo agaasimay jaamacada horraantii markii la aasaasay.
Halka qaar kalena ay aaminsan yihiin in ay isu rogtay jaamacad dhab ah qarnigii 11-aad ee Miilaadiyada.
Jaamacadda Al-Qaraawiyyin waxaa lagu tilmaamaa inay tahay jaamacadda ugu faca weyn caalamka, iyadoo ka horraysa jaamacadaha reer Yurub qiyaastii laba qarni !

( 200 o Sana kahore)
Sidaas darteed, Faadumo Al-Fihri asalkeedu Tunisiyad ah geeriyootayna sannadkii 265-kii Hijriyada/878-kii Miilaadiyada. waxaay Noqotay Shaqsigii ugu Horeeyay e aasaasay jaamacadii ugu horaysay ee aduunka. !
Nabadey
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...