Safarkii guurka sababay. Qaybtii 3aad.

0
Tuesday June 28, 2022 - 10:34:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarkii guurka sababay. Qaybtii 3aad.

    Hooyaday waxay iigu jawaabtay;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyaday waxay iigu jawaabtay;


ma hebel ayaad ka cabanaysaa, hooyo nin wanaagsan ayaa gacantaada ku jiree ilaasho. Waxaanay igu qasabtay innaan gurigii ku laabano aniga iyo wiilkaygii. Waxaanay ii sheegtay innay arrinkaas wax kasoo ogaan doonto, ee aannay aniga marnaba waxba iga dhagaysanayn. Go’aankeedu wuxuu noqday gurigii ku noqo, go’aan ayaan gaadhi doonaa markaan wax kasoo ogaado arrinkaase.


Ninka i qaba iyo hooyaday xidhiidh wanaagsan ayaa ka dhaxeeya, oo mar kasta wuu ka war hayaa reerka. Dhankeeda wey ka adag tahay innay i aaminto dhibaatadaan ka cabanayo, waayo wuxuu u daryeelaa si wanaagsan. Marar hore oo aan isku dayay innaan kala tagnana waxay igu qancisay wax walba wey hagaagi doonaan ee ducadayda qaado. Dantu waxay igu qasabtay marar badan innaan ducada hooyaday ku ilaabo wax kasta iyo caqabad kasta.

Gurigii ayaan habeenimadii ku noqonay, laakiinse markaas waxay u muuqatay innuu dulqaadkii iga soo dhamaanayo, maadaama aan ka daalay dhibaatadiisa.

Waxaan go’aan ku gaadhay innaan reerkayga iska dhaqdo cabasho la’aan. Waan adkaystay, oo mar kasta waxaan niyada u sheegi jiray sharaftaada haku ciyaarin, ee iska dhig qof adag. Waxaan ka dareemayaa innuu gabaabsi yahay xiisihii, jacaylkii iyo daryeelkii aan u hayay, innaanan dan ka galayn hadalada adag ee uu ii addeegsanayo. Waan maqli jiray, waanan iska dhaafi jiray. Runtii wey adkayd, laakiinse waan ku qasbanaa.
Sidoo kale aad ayay u adkayd innaan aayar go’aan iska gaadho keligay. Iyadana waxa aad iigu adkayd innaan u dulqaato dulmiga uu igu samaynayo habeen iyo maalin.

Anigu waxaan ahaa qof aan bulshaawi ahayn, oo xidhiidhada iyo asxaabta ma badsan jirin. Waayo waxaan muhiimada saari jiray reerkayga iyo odaygayga. Imika waxyaabaha aan ka qoomameeyo waxa ka mid ah, sababtaan u samaysan waayay saaxiibo ii dhow, oo aan la wadaago dhibaatadayda. Haddii aad isweydiinayso sababta aannan u lahayn asxaab badan, waxaan kala kulmay dhibaatooyin kala duwan. Marar badan ayay gabadh aan saaxiib dhow ka dhigtay isku dayi jirtay innay reerkayga bur-buriso, 

maadaama ay mar kasta iiga sheekayn jirtay odaygayga iyo waxyaabaha gurigayga ka liita. Immika dhibaatadan dhan waxaan u marayaa, maadaama ay saaxiibaday soo ogaatay balwadaha iyo meelaha uu tago odaygaygu. Mararka qaar waxaan is-idhaahdaa, malaha waxa wanaagsan innaanad waxbaba ogaan, si ay dhibaatada iyo fikirka badani kaaga yaraadaan. Maalintaas ka dib lama xidhiidhin saaxiibaday, waayo waxaan u arkay innay ka shaqaynayso bur-burka qoyskayga. Waxaan uga cabsaday reerkayga, oo waxaan aaminsanahay innuu warka badani horseed u yahay bur-burka qoyska.

Habeenkaas markii aan gurigii ku laabanay ismaan dareensiin innaan u cadhoonayo, oo waxaan u sheegay innaan hooyo booqasho ugu tagay. Muddo bil ku dhow markii ay kasoo wareegtay habeenkaas, wuxuu bilaabay innuu iska dhaxo habeenada qaar isagoon ila wadaagin. Waan u adkaysan waayay, waxaanu markii dambe ii sheegay innuu iga door-bidayo gabadha cusub ee uu guursaday. Qalbigaygii wuu jabay, oo waxaanan ku qasbanaaday innaan qaato go’aan qadhaadh, oo waxaan go’aansaday….
La soco qaybta 4aad.
W/Q: Maxamed Faysal Cali
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...