Xukuumada Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyay Inay Siyaasadeeyeen Buugii C/raxmaan Tuur
Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa xukuumada Muuse Biixi ku eedeeyay inay siyasadeeyeen Munaasibada Xalay Hargaysa ka dhacday oo lagu soo bandhigayay Buug laga qoray Gudoomiyihii
ugu dambeeyay SNM ee lagu doortay shirwaynihii 6aad Marxuum Cabdiraxmaan Axmed
Cali, Sida Cali Guray ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-
" WAAN DIIDAY OO WAAN DIIDAY
Waxan diiday xalay in munaasibad ku saabsanayd Gudoomiyihii
ugu dambeeyay SNM ee lagu doortay shirwaynihii 6aad Marxuum Cabdiraxmaan Axmed
Cali la siyaasadeeyo. Ninkii ugu horeeyay ee siyaasadeeyay wuxu ahaa kii isagoo
hadlaya aan ka baxay madasha. Wuxu ahaa Wasiirka Warfaafinta oo markiiba duway
ujeedadii madasho loogu talogalay oo aan is idhi fariin buu ka siday odayga.
kuyee "waxay leeyihiin waa markayagii?”.
Muxuu u jeeday yuuse
u jeeday? Marka hadalka wasiirka la axadho wuxu u jeeday labada musharax ee la
tartamaya Muuse Biixi oo markaa uu ku sheegayo reer (Garxajis).
Taa anigu waan diiday
markay afkiisa ka soo baxday ayaan
kadinka ka baxay oo waxan gartay waxa ka soo socda. Waayo taariikh baa laga
hadlayaye wuxu u rogay khilaafka siyaasadda ee xiligan taagan iyo aragtida
qaldan ee dhinaciisa.
Dhalinyar badan oo la
soo abaabulayna sawaxankoodu wuu baxayay oo mark keliya muu demin ragga meesha
isugu yimi ee siyaasiyiinta ahaan muxaafid iyo mucaarid looma kala maqnayn.
Jawaabtii Wasiir Koore waxa iga furtay oo ku mahdsan Cabilqaadir Jirde oo ka soo qaaday Garaad cadhaysan.
Intaa in lagu dhaafo ayay ahayd ee Faysal Cali ayaa isagu dherigii iyo dhiishiiba kala jebiyay.
Waxan aad uga xumahay wixii ku dhacay Maxamed Kaahin waayo may ahayn manuu ahayn iyada oo taariikh SNM iyo Somaliland ah laga hadlayay markii mikirifoonka loo dhiibay in lagu shimbiro-waaqleeyo. Waxan ku raacsanahay Mujaahidka in madashii xalay ay ahayd madal la kufsaday.
Hadalka Maxamuud
Xaashi ee ahaa "Cabdiraxmaan wuxu dhisi kari waayay dawlad” ayaa xagayga
noqonayaa hadalkii ugu qaldanaa ee dhegahayga ka soo gaadhay madashii xalay.
Waayo caaladu sidii ay ahayd markii uu xidhmay Kalfadhigii Golaha Dhexe ee SNM
2dii Jun 1991kii ee Cabdiraxmaan uu soo dhisay Xukuumadii ugu horeysay waan
ogaa.
Kuwii Burco u tegay
Cabdiraxmaan wuu diidi goon-isu-taagga Somaliland dabeedna kursiga ayaydu ka
tuuri markii ay ku soo hungoobeen fursad uu dawlad ku dhisi karo may diinin.
Ka dib markii Golaha
Dhexe ee SNM ku kala jabay qaybtii dambe ee Kalfadhigii oo xidhmay 15 November
intii ka dambaysay Cabdiraxmaan ma Madaxwayne ayuu ahaa mise maxbuus ku
xidhanaa Gurigii Moorgan oo hadui kadinka soo baabuurka laga qaadayo, wax kale
daaye dharka lagala baxayo oo aan sida kuwii ka dambeeyay aan Ilaalo madaxtooyo
lahayn waayo may jirinba ciidamo amni qaran.
Markaa aniguna waxan leeyahay Cabdiraxmaam muu dhisi kari waayeen dawlad hadii uu xilka Madaxwaynaha qaban lahaa markii uu qabtay Axmed Silanyo oo ka nasiib wanaagsanaa Cabdiraxmaan.
Sidaa daraadeed anigu waxa leeyahay Maxamuudow muu dhisi kari waayin Cabdiraxmaan dawlad ee waa loo diiday oo la iska hortaagay in uu dhiso. Hadaad dood ka qabto aniga ayaa diyaar kuu ah ee AAN ARDAAYO WADA GOOSANEE WAA INOO IDHANKA. Somaliland tan maanta ee quruxda badan waxan u arkaa guushii tanaasulkii SNM iyo go’aankii taariikhiga ah ee uu qaatay 3/3/93 si Somaliland uu u badbaadiyo "