Waxka Barro Deegaanka Dalxiiska Ew Gudmo Biyo-cas..W/Q. Eng Ismail M Aden-Dhicir

0
Tuesday June 04, 2019 - 11:12:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxka Barro Deegaanka Dalxiiska Ew Gudmo Biyo-cas..W/Q. Eng Ismail M Aden-Dhicir

    Eid Mubarak (Taqabalalaahu minaa waminkum min saalixil acmaal.)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eid Mubarak (Taqabalalaahu minaa waminkum min saalixil acmaal.)
Goobtan dalxiis nagula ciid.

Gudmo Biyo-cas.

Waa kee deegaanka Gudmo biyo-cas ?


Gudmo biyo-cas siaan u barano halka ay dhacdo, sida ay tahay muuqaal ahaan, wadada loo maro iyo waxay caanku tahayba ila soco.

Halkani waa ceerigaabo waa subax jimce ah abaaro 6:30 subaxnimo safarku wuxuu ka bilaabmayaa kaantaroolka galbeed ee ceerigaabo, waxaanu ka koobanahay asxaab 6 ah oo kala ah Macalin Dg Awale Hassan , Caaqil Hamse Hassan Farah, Macalin Abdiwahab Farjar, Macalin Mukhtaar Nuux Maxamed, Weriye Abdirahman Ahmed Elsar Iyo Aniga oo EngIsmail M Aden-Dhicir Ah.

Dhaqaaq iyo tawakal dabadeed isla 6:40 Am waxaanu caano Geel markaa uun la lisay kasii qaadanay deegaanka Ceel-lamaan hal cabaar ah dabadeed waxaanu gaadhnay deegaanka Yufle oo ah halka aanu uga leexanayno Degmada Gudmo Biyo-cas.

Waxaanu sii qaadnay jidka dheer ee halista badan waa Daw (Wado laalaab ah) sidoo kale aan dhisnayn oo raf ah mararka qaar wayku adagtay gaadhiga inuu fanto buurta dherer awgeed sidoo kale isna daadega ayaa dhib badan ( hadii roobab ah da'aana waxaa daadku qaadaa wadadii la hagaagiyay sidaas oo ay dhagax dhib badan ku noqoto).

Buurta wadadani waa buurta caanka ah ee Harti-yimi ( sida ay magacan kula baxday waa taariikh dheer oo horre waa waagii laysku duuli jiray Aano darteed laysna layn jirray waxa igu maqaalo ah in Buurtan uu yimi colkii Harti oo duulaan ah kuna duulaan ah dadkii deegaanka yaalay kadibna ay dadkii deegaanka yaalay oo yaraa ay farsamo ay iskaga caabiyaan ciidanka oo badnaa ay u degeen, guud ahaan buurta taaga soo jeedana ay habeenkii dab ka shideen nin iyo qori dab ah oo masaafo isu jira ah. Sidaana ay duulaankii ku moodeen ciidan tiro badan oo u diyaar ah kadibna ay sidaa ku noqdeen halkaa magaca la baxdayna aanay soo dhaafin wax colaad ahina aanay ka dhicin goobta.)

Wadadan marka la dhaafo oo ay hareeraheedana raacsan yihiin ilaaa deegaamada shishe Xabaalihii horre ee loo maleeyo faraaciintii kuwaas oo ah xabaalo dhisme gurri dherer leeg oo korkana fiiqan waxaa qaarkood laga baadhay dahab la sheegay inuu ku aasnaa oo lagala baxay qaar kamid ah kuwo kalena lagu hungoobay halka aan qaarna weli la baadhan, waa mucjiso taariikh fog oo facweyn tilmaamaysa guud ahaan gobolkan sanaag waana kii abwaankii caanka ahaa ee Xaaji Aadan Afqalooc (AHUN) Gabay kulahaa "Madxafkii dadkii hore dhigiyo madhaxi baa yaale.
Maanlahiyo taalloyinkaad aqallo moodaysid.
Meelihii kinsiga lagu qarshey maangaddood tahaye.
Muuqooda qaar baa ahraam lagu maleeeyaaye .

Ambaqaad socod iyo safar raaxo lahaaa dabadeed waxaanu soo gaadhnay deegaanka Ilad Gud-bax halkan kumaanu leexan bariidin dabadeed waxaanu usii kicitinay dhanka deegaanka Daryale deegaankan Daryale waa tuulo taariikhi ah waa dhul beeyoley ah sidoo kalena xoolo dhaqato ah waa deegaanka uu ku aasan yahay Alle hauraxmadee Awoowe Sh Samaroon Siciid ee qudbigiisu ku yaalo. Siyaarasho usii ducayn iyo faataxo umarid ah dabadeed waxaanu ka huleelnay Qudbigii Sh Samaroon.

Anagoo usii jihaysanay dhanka deegaanka Suuro waanu soo gaadhnay tuulada Suuro oo yana lagu miisayo beeyo jawaanadana lagu cabaynayo sidoo kale xoololey ah. Halkana waanu dhaafnay bacda bariidin waxaanu u jihaysanay bar abaarkii safarka iyo deegaankii Gudmo oo aan markan wax deegaan ah oo kale aanay kasokayn.

Ugu dambayn waxaanu soo gaadhnay abaaro 9:30 subaxnimo deegaanka quruxda dabiiciga ah leh ee Gudmo Biyo-cas oo ahayd halka uu safarkani ku eekaa.

Gudmo Biyo-cas qiyaas ahaan waxay galbeed ka xigtaa magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo qiyaas dhan 90 kiiloo mitir oo buur iyo banaan ah, waa deegaan bilic iyo qurux dabiiciya leh. Wuxuu deegaan kani caan ku yahay dhirta Timirta oo weliba midho bixisa, dhir kala duwan, geedka dhaadheer ee madaah da looyaqaano , xabkaha, maydiga, dahabka, biyo dhac (waa bito dhaca 2aad ee ugu dheer biyo dhactada dhulka somalida inta logyahay waxaana ka dheer ka Deegaanka Daris oo keliya . Daris waxay ku taal ama hoostagtaa isla degmada Gudmo Biyo-cas ee gobolka sanaag), ceelal lagu dabaasho, biyo il kasoo burqanaya, malab iyo beeraha dalagu ka baxo.

Deegaan kani waa xeeb ku dhawaad diirimaad yar lahaa markaas waana durdurkaa Gu iyo Jiilaal ma go'aha ah.

Xus iyo xasuus iska reebid, sheeko wadaag dadkii deegaanka, dabaal, maydhasho biyo dhaca ah, qadhaabasho beeraha ah iyo hilibayn dabadeed waxaanu usoo kicitinay deegaankayagii aanu ka safarnay waxaananu kusoo hoyanay magaaladii ceerigaabo.

Halkaana waxaa kusoo idlaaday safarkii dal barashada deegaanka balaadhan ahaa ee lahaa cajaaib ka faraha badan ee kolayba ahaa mid xasuus ku reebaya qalbiyada dadka si gaar ahna aniga iyo asxaabtaydii oo ahaa dadka fahansan wax badan oo dalxiiska ah raad dheer ku reebay.

Alle ayaa mahadleh dhulkeena hodanka ka dhigay, hadii aad dalxiis, cagaar iyi taariikh ubaahan tahay waa Gobolka Sanaag.

Nagula dalxiis dhulkeena hooyo soo barro oo soo dareen qiimaha lahaanshaha dalxiiska u baahan maalgelin silooga faaidaysto dadyawga shisheeyena u iman lahaayeen inana uga macaashi lahayn.

Dhulku waa hodan dadkiisuna weli ma dhaadana.

Ku daxiis asxaabtaadana ugu baaq.

Eng Dhicir iyo Dhulka hooyo.

W/Q: Eng Ismail M Aden-Dhicir

Mob: +252634094855
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...