Madaxweyne Farmaajo Oo Munaasibada Ciida Awgeed Fariimo Codsi Ah U Diray Shacabka Soomaaliya
Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa munaasibada ciidal fidriga awgeed fariimo codsi u diray bulshada soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu shacabka ugu soo jeediyey in la taageero inta jilicsan isla markaana lagala shaqeeyo sidii ay u hirgeli lahayd himilada dib loogu dhisayo dawladnimada soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalka uu soo saaray waxa uu ku yidhi:-
Bismillaah. Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.
Alle waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo soonkii iyo
acmaashii wanaagsanayd ee aan gudannay,
gaar ahaan intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.
Munaasabaddan barakaysan ee Ciidul Fidriga awgeed, waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, lagana wada shaqeeyo danta guud oo amnigu ugu horreeyo. Sdoo kale waxaa muhiim ah in aan ilaalinno midnimada iyo wadajirkeenna, kuwaas oo dhammaantood tiir-dhexaad u ah waajibaadka ay ina farayso diinta suubban ee Islaamka.
Waxaan idin ka codsanayaa, dhammaanteen in aan gacmaha isqabsanno oo ka shaqayno sidii aan uga rumeyn lahayn himiladeena iyo hiigsigeenna ku aaddan dib u dhiska dalkeenna iyo dowladdeenna.
Ugu danbayntii, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu ciiddan ciiddeeda innagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsaday horumar ballaaran.
CIID MUBAARAK